4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Wasiirka wasaaradda qorsheeynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo Kismaayo gaaray
Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo wasiirka qorsheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Wasiirka soo dhaweyn ka dib loo gelbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubbaland, halkaasoo ay kulan ku yeesheen wasiirro ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana kulanka kadib ay labada dhinac si wadajir ah usoo saareen is-fahan Iskaashi.

Hoos ka aqri qoraalka ay sida wadajir ah usoo sareen madaxda maamulka Jubbaland iyo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.