4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Xilliga Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamanka FS oo Maanta si Rasmi ah loo Shaaciyay (VIDEO)


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Guddoonka golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay xilliga uu furmi doono Kal-fadhiga 6-aad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iygoo sheegay inuu furmi doono 20-ka bishan Abriil, kaddib markii lasoo gaba-gabeeyay diyaarinta qorshayaasha kal-fadhiga 6-aad ee golaha shacabka.

Xoghayaha guud baarlamaanka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in guddoonka baarlamaanka Somalia uu u go'aamiyay furitaanka kal-fadhiga 6-aad ee golaha shacabka ay noqoto 20-ka bishaan Abriil ee lagu jiro oo ku beegan maalin Isniin ah.

“Waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo dhammaan xildhibaannada Qaranka in furitaanka kal-fadhiga 6-aad ee baarlamaanka loo asteeyay 20-ka bishan oo ku aadan maalin Isniin ah. Waxaana laga codsanayaa xildhibaannada in ay soo xaadiraan munaasabadda furitaanka kal-fadhigaan oo lagu qaban doono xarunta golaha shacabka,“ ayuu yiri Buux.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Guud ayaa sheegay in ka hor xafladda furitaanka kal-fadhiga ay guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka yeelanayaan 15-ka bishan kulan la xiriira qorshaha waxyaabaha looga hadli doono kulammada ugu horreeyay ee baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya