4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
PROF. Jawaari oo Kulan ugu Soo Xiray Kampala Guddiga Axsaabta Baarlamaanka FS (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ugu soo xiray kulan howleed guddiga Axsaabta ee baarlamaanka Soomaaliya; kaasoo ku saabsanaa diyaarinta sharciga xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Kulan howleedkan oo muddo laba toddobaad ah uga soconayay guddigan Kampala ayaa ahaa dhameystirkii ugu dambeeyay ee diyaarinta sharciga sameynta xisbiyada siyaasadeed ee dalka kaasoo qayb ka ah tiirarka ugu waaweyn ee dalka lagu gaarsiin karo doorasho xor ah.

Guddoomiyaha guddiga Axsaabta ee baarlamaanka Somalia, Prof. Cabdirisaaq Cusmaan Jurille oo munaasabadda xiritaanka kulanka ka hadalay ayaa tilmaamay in maanta guddiga Axsaabta ee baarlamaanka Somalia ay sharaf u tahay in guddoonka baarlamaanka ay ku wareejiyaan sharciga Axsaabta dalka ee loo ig-maday sameyntiisa; wuxuuna intaas kaddib faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray sameynta sharcigan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari oo isna khudbad ka jeediyay xiritaanka kulan howleedkan ayaa ugu horreyn uga tacsiyadeeyey xubnaha guddiga Axsaabta ee baarlamaanka geeridii ku timid ALLAHA u naxariistee xildhibaan Xuseen Bantuu oo ka mid ahaa xubnaha guddigan, isagoo intaas kaddib mahad-celin u jeediyay hay'adda Oslo Center oo kulan howleedkan fududeynaysay, wasaaradaha arrimaha gudaha, dastuurka, xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo safaaradda Soomaaliyeed e dalka Uganda; waxaana Jawaari ka hadlay muhiimadda sharcigan uu Soomaalida oo dhan u leeyahay iyo baahida loo qabo.

Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in sharcigaan uu qayb weyn ka yahay dhaxalka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka dhaxli doonaan golaha shacabka ee hadda jira oo ah madasha 9-aad ee baarlamaannadii dalkeenna soo maray; isagoo ka ballan-qaaday in marka uu fumo kal-fadhiga 6-aad ee baarlamaanka sharcigan la hor-geyn doono.

Ugu dambeyn, sharcigan wuxuu ku biirayaa sharciyo uu baarlamaanka Somalia diyaariyay, qaarkoodna la ansixiyey kuwaasoo xudun u ah Hiigsiga golaha baarlamaanka ee kala ah; dib-u-eegista dastuurka, federaaleynta dalka iyo dimuqraadiyadda. Isagoo dhanka kale uu kulan howleedkan gabo-gabo u yahay kulammo howleedyo, aqoon-kororsiyo iyo shirar caalami ah oo intii lagu jiray fasaxa baarlamaanka xildhibaannada iyo guddiyada kala duwan uga socday magaalada Kampala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya