4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
LIISKA 13 Xawaaladood & Xisaabaadyada 86-qof oo Somali ah ee Kenya ay Xayiraadda Saartay


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Dowlada Kenya ayaa xirtay isla markaasna ruqsadii ay ku shaqeyn jireen kala noqotay 13 Xawaaladood oo Soomaali ay leedahay kuwaasoo ka shaqeyn jiray gudaha wadanka Kenya, isla markaasna hakisay xisaabaadkii ay Bangiyada ku lahaayeen 86 qof oo Soomaali ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, ayaa sheegay in Xawaaladaha la xiray loo adeegsan jiray in dhaqaalo loogu diro Xarakada Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanto.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirku in ay amar ku siiyeen Bangiyada waa weyn ee ka shaqeyo Kenya, in aynan adeeg siin karin Xawaaladaha iyo waliba shaqsiyaadka xayiraada lagu soo rogay.

Dhanka kale Xawaaladaha ay Kenya xirtay, ayaa waxey yihiin kuwa inta badan ay dadka Soomaaliyeed ay u isticmaali jireen lacagaha ay isku dirayaan, ayadoona la sheegay iney noloshooda ku tiirsaneyd xawaaladaas Soomaali badan oo ay ka mid yihiin Ardayda wax ka barato wadankaan oo eheladoodu ay ugu soo diri jireen Lacagaha ay wax ku bartaan.

Xawaaladaha la xiray, ayaa waxaa kamid ah Dahab Shiil, Amal, Amaana, Kaah, Hodan Global, Jubba Express, Iftin, Bakaal, iyo Shirkado kale oo ku shaqo leh arrimaha lacagaha kuwaasoo ay ka mid yihiin; UAE Exchange Money Remittance,  Continental Money Transfer, Flex Money Transfer iyo Sky Forex limited.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Ururo liiska Xayiraada ay saartay Kenya, waxaana ku jiro Ururkaad;- Hay'adda Nabad iyo Horumarka (Agency for Peace and Development), Legend International Consulting limited, Haki Africa, Muslim for Human Rights Groups (MUHURI) iyo kuwa kale.

Sidoo kale 86-da qof ee laga xiray Xisaabaadkii ay ku lahaayeen Bangiyada Kenya, waxaa ku jiro Wadaada Caanka ah ee Sheikh Maxamed Cabdi Umal iyo Maxamed Sheikh Cismaan Cigaal.

Waxaa kaloo Liiska waxaa ku jiro qaar kamid ah Shirkadaha Basaska u kala safro Nairobi iyo Gobalka Waqooyi Bari Kenya, waxaana ka mid ah Shirkadahaas;- E- Couch, City to City, Sabrin Bus iyo G. Couch oo dhamaantood ah Shirkado Basas oo maalin kasto u kala safro magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee Gobalka Waqooyi Bari..

Dhanka kale, dowlada Kenya ayaa sheegtay in shaqsiyaadka xayiraada la saaray ay baaritaano ku sameysay qaabkii ay ula bixi jireen lacagaha iyo waliba waxyaabihii ay ku sameyn jireen, waxeyna sidoo kale sheegtay inta ay socdaan baaritaanka lagu hayo dadkaas iney akoonadoodu ay ahaan doonaan kuwa la fariisiyay.

Shaqa joojinta lagu sameyay Xawaaladaha Soomaalidu ay ku lahaayeen Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay iney saameyn xoogan ku yeelan doonto shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan oo badankoodu ah kuwa nolashoodu ay ku tiirsan tahay lacagaha loo soo Xawilo.

Si kastaba ha ahaatee xayiraada sida wada jirka ah loo saaray Xawaaladaha, Shaqsiyaadka iyo Ururada kala duwan, ayaa ku soo beegmaayo ayadoo 2-dii Bishaan weerar ay Al Shabab ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 150 qof halka in ka badan 80 kalana ay ku dhaawacmeen.

AKRISO LIISKA MAGACYADA XAWAALADAHA IYO SHAQSIYAADKA:

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya