4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Jaaliyadda Somalida ee Seattle oo ka Hadlay duqeymaha ay Kenya kawado Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Shir ay yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka gaar ahaan Seattle ayaa cambaareeyeen duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya la beegsanadaan shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Xilli ay gobollo ka mid ah Somali caadi ka noqdeen duqaymaha ay geystaan diyaaradaha dalka Kenya ayaa Jaalliyaddu waxay xukuumadda Kenya ugu baaqeen  inay si deg-deg ah wax uga qabato duqaymaha uu khasaarahan ay u geystaan dadka rayidka ah ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dmbeeyay oo dad rayid ah iyo xoolo lagu bartilmaameed-saday.

Afhayeenka golaha qurba-joogta gobolka Gedo, Xabiib Birmad Cigaal ayaa sheegay intii ay socdeen dagaalada u dhexeeya Al-shababa iyo Kenya ay diyaarad dagaal oo laga leeyahay Kenya duqayeen dad xoolo dhaqato ah, halkaasoo khasaare ba’an oo naf iyo maal leh uu ka dhashay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Kenya ay ku fashilantay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, isagoo ugu baaqay xukuumadda Kenya inay magdhow ka bixiso dadkii rayidka ahaa ee ay ku dishay goobaha ay duqaymaha ba’an ka fulisay maalmihii ugu dambeeyay.

“Ciidamada Kenya iyo xulafadooda dagaalada kawada Soomaaliya waa inay dadaal kasta ku sameeyaan sidii ay ku joojin lahaayeen duqaymaha dadka aan waxba galabsan ee xoolo dhaqatada ah, Kenya way taqaanaa goobaha xarumaha Al-shabaab marna qiil looma heli karo in shacab la duqeeyay lagu micneeyo xarun shabaab ayaa weerar lagu qaaday. Xukuumada Mareykanka iyo caalamka iyo hay’adaha ay quseyso ayaan u gudbinay kiisaskan la xiriira duqeymaha rayidka lagu bartilmaameed siday,” ayuu yiri Xabiib.

Ugu dambeyn, wuxuu Xabiib yiri. “Ma ahan in dowladda Kenya ay duqeyso goobaha laga cabo ceelasha biyaha iyo meelaha ay joogaan dad reer guuraaga ah, haddii ay doonayaan Al-shabaab waxay joogaan meel waliba ma ahan oo keliya gobolka Gedo oo kaliya.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya