4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor-dhow gaaray Xarunta Gobolka Galguduud ee Dhuuso-Mareeb


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa goor-dhow gaaray magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la jooga ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la yeelan doona kulammo wada-tashi ah wax-garadka ku shirsan magaalada, kuwaasoo ku saabsan shir lagu dhiso maamul-goboleedka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa si diirran u soo dhaweeyay magaalada Dhuuso-mareeb oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo maalmahan safar ku joogay degmadaas iyo guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cirfo.

Madaxweyne Xasan ayaa toddobaad ka hortagay magaalada Dhuuso-mareeb inkastoo aan wax natiijo ah laga gaarin wadahadallo uu la yeeshay ergada ka qayb-galaysa shirka dib u heshiisiinta Dhuuso-mareeb.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu maanta kaga dhawaaqo degmada Dhuuso-mareeb halka lagu qabanay shirka dhismaha maamulka gobolladaa dhexe oo uu dhawaanahan khilaaf ka jiray halka lagu qabanayo shirka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya