4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Kenya oo Xayiraado ku soo Rogtay Xawaalado iyo Shaqsiyaad lagu eedeeyay Dambi isku mid ah


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa xayiraad kusoo rogtay 13 xawaaladood iyo xisaabaadyad 86-ruux oo looga shakisan yahay inay maalgeliyaan Xarakada Al-shabaab ee Somalia, waxaana tallaabadan lagu sheegay inay tahay mid looga jawaabayo weerarkii Gaarisa.

Wasiiro ka tirsan dowladda Kenya oo qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada ayaa shir ay shalay ku yeesheen Nairobi waxay amar ku bixiyeen in la xayiro xisaabaadyada xawaaladaha iyo shaqsiyaad magac ku leh Kenya oo ay ku jiraan mashaai’kh caan ah.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa ku tilmaamay xayiraadda la saaray shaqsiyaadka iyo xawaaladaha inay yihiin kuwo taageera Al-shabaab, inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in liiska dadka ay ku jiraan culummo magac ku leh Soomaaliya iyo xawaalado caan ah, waxayna arrintani ay saameyn xooggan ku yeelaneysaa dadka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool, kuwaasoo lacago dibadda looga soo diro.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen waxay ka digeen in la xiro xawaaladaha Somalida, iyagoo ka hadlay muhiimada ay xawaaladuhu u leeyihihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Somalia ayaa sheegay in haddii la xiro xawaaladaha ay dhibaato ku noqoneyso nabada iyo dib u dhiska guud ee Soomaaliya.

Wixii ka dembeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayay dowladda Kenya waxay dadaallo ay ku doonayso inay kaga hortagto weerarrada Al-shabaab ay ku qaaddo dalkooda, iyagoo qaaday tallaabooyin dhowr ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya