4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Xayiraada Xawaalada Soomaalida iyo Saameyntooda


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qoraal ay soo saareen uga digay xayiraadda xawaaladaha Soomaalida, iyadoo walaac laga muujiyay dhibaatada ay ku keeni karto shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalkan wadajirk ah oo luuqadda Ingiriiska ku qornaa ayaa lagu sheegay in haddii ay sii socoto arrintan ay caqabad ku keeni karto dhaqaalaha dalka iyo dadaalka dowladda ay dib uga soo celinayso nabadda dalka maadaama lacagaha dibadda dadka Soomaaliyeed ay kasoo diraan ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Xasan Sheekh iyo Sharma’arke ayaa ka hadlay muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana haddii la xiro ay sheegeen ay dhibaato ku noqoneyso nabada iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo ka hadlayay qoraalkan ayaa sheegay in bangiyada waaweyn ee dalka Mareykanka ay joojiyeen wada-shaqeynta ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaalida iyo adeegyadii ay fulin jireen, taasoo uu xusay inay saameyn ballaaran ku yeelatay dad badan oo ku tiirsan lacagaha dibada laga soo diro.

“Si Arrintan looga hortago dowladda Soomaaliya waxay ka shaqaynaysay in la nidaamiyo habka loo maamulo xawaaladaha Soomaalida lacagaha ka yimaada si ay ugu dhacaan gacantii loo baahnaa lacagahaasi bangiga dhexe ee dalka oo hadda shaqeynaya kasoo leh qubaro arrimahaas ku xeel-dheer si loo sameeyo wada-shaqayn ay yeeshaan bangiga dhexe ee Somalia iyo kuwa caalamka,” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Ugu dmbeyn, warkan ayaa ku soo beegmay xilli dowladda Kenya ay kusoo rogtay xayiraad 13 xawaaladood iyo dhaqaalaha 86 ruux, kuwaasoo lagu eedeeyay inay maal-geliyaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya