4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Shariif Xasan oo tababar ugu soo xiray Baydhabo Ciidan ka Tirsan kuwa Maamulkiisa (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Madaxweynha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa shalay tababar u soo xiray ciidammo in muddo ah uu tababar ugu socday xarunta daraawiishta Baydhabo ee Salaamay.

Ciidamadan oo tiradoodu ahayd 200 oo askri oo booliis ah iyo 160 askari oo daraawiish ah oo maamulka Koonfur-galbeed uu yeelan doonto, iyadoo ay noqonayaan ciidamadii ugu horreeyay oo maamulkan uu yeesho.

Sidoo kale, Shariif Xasan oo la hadlay ciidamada tababarka loosoo xiray ayaa sheegay inay ciidamadani yihiin ciidamadii ugu horreeyey oo uu maamulkiisu yeesho; ayna ka shaqeyn doonaan ammaanka deegaannada uu maamulkoodu ka taliyo.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa u mahad-celiyay tababarkaas cidda ka qayb-qaadatay ama gacan ka geysatay, iyadoo goobta ay joogeen dhamaan wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed iyo saraakiisha AMISOM.

Baydhabo ayaa shalay waxaa la xiray dhamaan waddooyinka iyadoo loo diiday inay baabuurta maraan, waxaana wadooyinka lagu arkayay ciidammo ka tirsan kuwa booliiska iyo AMISOM oo amniga sugayay.

Hiiraan Online, Baydhabo