12/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 7 , 2015
Wasiiradda Waxbarashada Somalia oo Booqatay Iskuullo ku yaalla Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 07, 2015 (HOL) — Wasiiradda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Somalia, Dr. Khadar Bashiir Ali oo maanta booqatay iskuullo ku yaalla Muqdisho, si ay da'yarta u dhiiri-geliyso, iyadoo tani ay qayb ka tahay tallaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka dhaxeeya siyaasiyiinta iyo Bahda waxbarashada.

Khadar Bashiir ayaa iskuullada ay booqatay waxaa ka mid ah iskuulka 11-ka Janaayo oo ku yaalla degmada C/casiis ee gobolka Banadir, iyadoo indha-indheysay qaabka waxbarashada ay u socoto; si toos ahna uga jawaabtay su’aalo ay ardaydu weydiiyeen.

Wasiiradda ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay qaabka waxbarashada ay u socoto, waxayna booqashadeeda ku dhiiri-galisay waxbarashada bilaashka ah ee loo siman yahay. Iyadoo sheegtay inay kor u qaadi doonaan tayada iskuulada dowladda; isla markaana sanadkan si guud loo qaadi doono imtixaannada dalka oo dhan.

Sidoo kale, wasiirrada ayaa fasal;ada iskuulka mid mid u booqatay, waxayna sheegtay in ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya dalkooda ay mudan yihiin in la dhiirri-galiyo; lagana taageero sidii aqoonta dalka kor loogu qaadi lahaa.

Wasiiradda ayaa xustay in wasaaradda waxbarshada ay ka go’an tahay soo nooleynta iyo xoojinta iskuulada dowladda si canug waliba oo Soomaaliyeed uu u helo waxbarsho lacag la’aan ah; maadaama waxbarashada lacag la’aanta ah loo siman yahay oo malahan kala sareyn soo celinteedana dalka iyo dadka ayay faa’iido u tahay.

Ugu dambeyn, maamulka iyo macallimiinta iskuullada dowladda Somalia ayaa u mahad-naqay wasiiradda waxbarashada booqashada ay ku tagtay iskuulada taasoo ay ku dhiiri-gelinayso waxbarashada loo siman yahay ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya