9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 7 , 2015
SWDC oo Gabdho Somali ah u Abuurtay Xirfado Kala Duwan oo ay ku Shaqeystaan (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 07, 2015 (HOL) — Xarunta Somali Women Developments Center SWDC ayaa Muqdisho ku qaabtay maanta munaasabad ku aadan xiritaanka tababar muddo u soo socday gabdho Soomaaliyeed kuwaasoo la baray xirfado ay ka mid yihiin; farsmada cilaan-saarka, qaabka qurxinta timaha iyo tolidda dharka. 

Munaasabaddaan oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan xarunta SWDC, madaxda hay’adaha samafalka, waaliddiinta gabdhihii wax la baray, marti-sharaf kale, waxaana mashruucaan hirgelisay xaraunta SWDC oo gacan ka heleysa hay’adda CISP.

Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadasahay agaasimaha la-taliyaha dhinaca sharciga ee xarunta SWDC, Sahro Maxamed Axmed oo u mahad-celisey intii ka qayb-qaaday hirgelinta mashruucaas; waxayna ku dheeraatey qaabkii uu ku billowdey mashruuca oo ay sheegtay inuu isugu jiray laba qaybood oo kala ahaa mid waxbarasho iyo mid farsamo.

“Markaan aragnay sida gabdhaha Soomaaliyeed aysan aqoon lahayn ugu lahayn shaqooyin ay ku shaqeytaan ayaan go’aansannay in intii awoodeenna ah aan gabdhaha Soomaaliyeed uga faa’iideyno mashruucaan,” ayay tiri Maama Sahra oo sheegtey in mashuuraan shaqo abuurista uu yahay mid ku soo beegmay xilligii loo baahnaa.

Sidoo kale, waxaa ka hadasahay goobta, Maryan Dakhal oo mas’uuliyadda xarunta SWDC ayaa sheegtay in mashruucan uu ahaa mid tijaabo ah; iyadoo  sheegtay in haddii uu guuleysto ay iyana heli doonaan gabdho kale oo la siin doono xirfado kala duwan taasoo ay sheegtay inay ku imaan karto in kuwa  maanta wax la baray sida ay uga soo dhalaalaan wixii la baray oo ay ku shaqeynayaan, iyadoo hoosta ka xariiqday inuu kormeero la xiriira sidii ay howsha uga soo baxeen.

Dhanka kale, guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ugu horreyn waxay u mahad-celisay xarunta SWDC  oo ay sheegtay inay qabtay howl loo baahnaa maadaama haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa laf-dhabr u ah bulshada, waxayna codsatay inay tababarrada noocaan ah la kordhin doono si gabdhaha Soomaaliyeed ugu baxaan shaqo la’aanta.

Waxaa kaloo goobta ka hadasahay xoghayaha guud ee ururka Qaranka ee haweenka Soomaaliyeed, Canab Maxamed Cosoble oo u mahadcelisay intii isku soo duba-ridday mashruucan in gabdho intaa le’eg la tababarro; isla markaana loo abuuro Xirfado ay ku shaqeystaan

Ugu dambeyn, gabdhihii dhameystay xirafadaha kala duwan ayaa waxaa loo qaybiyay qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen iyadoo sidoo kale loogu daray lacago ay ku billaabaan xirfadahooda; sidoo kalena ardeydaas waxaa kaloo la guddoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya aqoonsigooda aqooneed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya