10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 5 , 2015
Arday Shahaado lagu Gudoonsiiyay Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, Abriil 05, 2015 (HOL) — Kaddib xaflad lagu qabtay dugsiga barashada farsamada gacanta Tawakal ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa shahoodo  lagu guddoonsiiyay ardey dhan 201 ardey, kuwaa oo ka qalin-jibiyay mudo lix bilood ah barashada farsamada gacanta oo ka kooban ilaa afar qeybood.

Munaasabada oo ay goob-joogayaal ka ahaayeen maamulka, macalimiinta ardeyda dusiga iyo marti-shafar kale ayaa dhamaan dhinacyadii ka hadllay waxay si weyn u bogaadiyeen howsha baaxad leh oo ay qabteen maamulka iyo macalimiinta dusiga Tawakal.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Shiikh Xuseen Cismaan Cali oo goobta ka hadllay ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in ay kasoo baxaan gobolka dhalinyarro aqoon leh, isla markaana wax badan ku soo kordhin kara bulshada, waxaana uu intaa ku darray in ka maamul ahaan bogaadinayaan macalimiintii juhdiga badan ku bixisay siddii loo soo saari lahaa arday markii ugu horeysay baratay farsamada gacanta.

Madaxa xiriirka hay’addaha ee maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Faarax oo dhinaciisa hadal jeediyay ayaa sheegay in dusiga Tawakal door muuqda oo la taaban karo ka qaatay siddii sare loogu qaadi lahaa wacyiga aqooneed ee dhalinyarrada ku dhaqan gobolka, madaama ardeyda maanta shahaadada la guddoonsiiyay yihiin kuwo waqtiga hadda la joogo iyo mustaqbalka anfacaya bulshada.

“Malaha waxaan is leeyahay waa munaasabadii ugu qiimaha badneyd oo aan ka qeyb-gallo, madaama aan arkayo dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku fikirtay iyagoo dalkooda jooga inay wax bartaan, kadibna naftooda iyo tan bulshada ay la nool yihiin anfacaan, arrintaa waan ku hambalyeeynayaa dugsiga Tawakal ayuu yiri’’ Max’ed Faarax.

Faarax Gaaraad oo ah madaxa Hiiraan Electric Company oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in shirkad ahaan siweyn  u daneynayaan mashruucan oo kale, isaga oo sheegay in ay jeclaan lahaayeen  in  ay arkaan dhalinyarro inta ka sii badan oo baratay ku shaqeynta xirfada Korontada.

Abuukar Arwaax oo ka mid ah howl-wadeenada dusiga ayaa sheegay in mudadii lixda bilood aheyd  dadaal badan la galiyay siddii loo soo saari lahaa ardeyda maanta shahaadada la guddoonsiinayo, taa badalkeedana dhinacooda looga fadhiyo in ay bulshada gaarsiiyaan wixii ay soo barteen.

“Ma ahan oo kaliya in dugsiga oo bixiyo casharo, laakiin waxaa taa bar-bar socday in lagu shaqeeyo xirfadaha la barayay si ardeygu marka uu halka ka baxo uu durbaba u shaqo –gali karo, taana waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Abuukar Arwaax.

Mid ka mid ah waalidiintii ka qeyb-gallay munaasabada oo hadal kooban jeediyay ayaa  ku tilmaamay tallaabada uu qaaday dugsiga Tawakal mid ku dayasho mudan, madaama uu arkayo maanta dhalinyarro Soomaliyeed oo baratay xirfado ka anfacaya in ay maareeyaan nolashooda caadiga ah.

Dugsiga Tawakal ayaa ah dugsiga kaliya ee lagu barto farsamada gacanta ee ka jira guud ahaan marka la eego gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya