4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay Safiir ku xigeenka Britain ee Somalia


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan oo toddobaadyadan kulammo kala duwan la yeelanayo wufuduud ka socota Beesha Caalamka ayaa maanta kulan kula qaatay madaxtooyada maamulkiisa ee Baydhabo danjire ku xigeenka boqortooyada UK ee Somalia ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo khuseeya labadda dhinc, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wax-ka-qabashadda ammaanka deegaannada uu maamulka Koonfur-galbeed  ka taliyo iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Shariif Xasan ayaa safiirka ka dalbaday inay wax kala qabtaan amniga iyo sidii deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo loo gaarsiin lahaa horumar dhan walba ah; wuxuuna hadalkiisa ku daray in maamulkiisu yahay mid cusub oo u baahan in kaalmo joogto ah lala garab-is-taago.

Kulanka dhexmaray danjire ku xigeenka boqortooyada Britain ee Somalia iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa goob-joog ka ahaa golaha wasiirrada maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, safiirka ayaa ballan-qaaday inay wax la taaban karo u qaban doonaa dadka ku nool deegaannada Koonfur-galbeed; wuxuuna uga mahad-celyey Hoggaanka Koonfur-galbeed howlihii ay qabteen muddadii yarayd ee ay jireen.

Hiiraan Online, Baydhabo