4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
SAWIRRO: Kulan looga Hadlayay Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada oo Muqdisho lagu Qabtay


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Kulan ay soo Qaban-qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Somalia qaybteeda dib-u-habeynta maamulka Maaliyadda ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay, waxaana ka qaybgaleen dhamaan agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda, xeel-dheerayaal arrimaha dhaqaalaha ah iyo khubaro ka socotay Bangiga Adduunka.

Ujeeddada ayaa ah in la dadajiyo mabaadii'da ku dhaqanka iibka Qaranka iyo waxyaabaha looga baahan yahay cidda wax laga iibsanayo, waxaana intaas dheer in sharcigan lagu yareynayo musuq-maasuqa iyo wax-is-daba-marinta si loo hubiyo in hantida ummadda lagu bixiyo meeshii loogu talo-galay laguna fuliyo dantii laga lahaa.

Sharcigan ayaa lagu qeexay in loo marayo iibka Qaranka iyo qandaraasyada si xalaal ah oo hufan si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqaad isku mid ah marka loo tartamayo qandaraasyada. Danta kale ee sharcigan laga leeyahay sharcigani ayaa ah in la abuuro qaab-dhismeedkii hay'adaha si loo maareeyo iibka Qaranka iyo meel-marinta habkii loo iibsan lahaa alaabta shaqooyinka iyo weliba shuruucdii qandadaraasyada iyo sida loo maamulayo heshiisyada ganacsiga.

Waxaa kaloo sharcigaan ujeeddooyinkiisa ka mid ah sidii shaqada looga saari lahaa qalabka howl-gabka ah, kan isticmaalkiisa laga gudbay ama waxyaahaba dheeraadka ah ee ay hay'adaha dowladdu leeyihiin. Sharcigan wuxuu taabanayaa hay'ad kasta oo iib Qaran fulinaysa oo dalku leeyahay, iyadoo la isticmaalayo wixii la xiriira wax iibsiga iyo codsiyada tartanka ku jira.

Dhanka kale, sharcigan ayaa hadda horyaalla baarlamaanka Somalia, iyadoo lagu wado in laga hir-galiyo sharcigan marka la ansixiyo waddanka oo dhan, waxaana la doonayaa in lagu dhimo kharashaadka iyo in hantida shacabka lagu bixiyo wax tayo wanaagsan leh, kobcinta horumarka dhaqaale ee dalka iyo hirgelinta nidaam sax ah oo waafaqsan heshiis qardraaslayashu oo dhami u siman yihiin kuna tartami karaan.

Ugu dambeyn, nidaamkan wuxuu daah-furayaa hirgalinta cadaaladda, isla xisaabtan iyo abuuridda kalsoonida dadka ee wax iibsiga Qaranka marka ay timaado go'aan qaadashada heshiisyada la galayo, wuxuuna wax weyn ka bedelayaa marka la meel-mariyo yareynta musuqmaasuqa iyo in meesha laga saaro nin jeclaysi marka ay timaaddo bixinta adeegyada dowladda loo Qabanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya