4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Qiimeyn lagu Ogaaday in Baasaboorka Somalia uu ka Qiimo badan yahay Baasaboorro badan


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Qiimeyn dhawaan lagu sameeyay baasaboorrada caalamka ayaa lagu ogaaday in baasaboorka Somalia uu leeyhaya awood ka badan midka ay leeyihiin baasaboorrada 10 Waddan oo ay ka mid yihiin; Itoobiya, Ciraaq, Jabuuti, Afgaanistaan iyo lix waddan oo kale.

Dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa qiimeynta meel wanaagsan kaga jira, iyadoo marka la eego dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda colaadeed ee ay Somalia kasoo kabsaneyso ayaa la sheegay in baasaboorrada Somalia iyo Eritrea lagu tegi karaa 39 waddan iyadoo aan wax dal-ku-gal ah horay loo sii dalban.

Warbixin ay soo saartay shirkadda Arton Capital oo ka shaqeysa inay dadka hantida haysta ee Caalamka baasaboorro uga soo saarto waddamada kale ayaa sheegtay in baasaboorrada Mareykanka iyo Britain ay yihiin kuwa Caalamka ugu awoodda badan; waxaana loogu safri karaa 147 waddan iyadoo aan fiiso loo sii qaadan.

BAASABOORADA UU KA QIIMO BADAN YAHAY BAASABOORKA SOMALIA

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in baasaboorrada dalalka ay ka mid yihiin Koonfurta Suudaan, Solomon Islands, Falastiin, Sao Tome and Principe iyo Myanmar ay yihiin kuwa ugu liita Dunida, iyadoo la xusay in lagu booqan karo 28 waddan oo keliya.

Dalalka Nepal, Afgaanistaan, Jabuuti, Ciraaq iyo Itoobiya oo Soomaali badan ay ku safraan ayaa iyagana meel hoose kaga jira qiimeynta la sameeyay oo lagu xusay in lagu tegi karo 38 waddan oo keliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa yareysay sannadkii hore ee 2014-kii safaaradihii ay ku lahayd Caalamka sababo la xiriira dhinaca kharashaadka ku baxa oo ay dowladdu xustay inaysan awoodi karin, inkastoo safaaradahaas qaar dib loo furay dhawaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya