4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
CALI GUREY: Nidaamka Garsoorka Somaliland oo dhan in Wax laga Bedelo ayay ahayd ee Ma...


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Yuusuf (Gurey) oo ka hadlay xil ka qaadidii lagu sameeyay gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaanu sheegay inaan loo bedelin dib u habeyn garsoorka Somaliland lagu samaynayo, balse ay ahayd buu yiri arrimo siyaasadeed.

Cali Gurey ayaa sheegay inay ahayd in nidaamka oo dhan wax laga bedelo, balse ma ahayn in shakhsi la bedelo haddii la doonayo in cadaaladda wax laga qabto.

“Nidaamka Garsoorka oo dhan in wax laga bedelo ayay ahayd laakiin, ma qabo in sababta ku dhigan Digreetada Madaxweynaha ee ah in la hagaajinayo tabashadii garsoorka aanay ahayn dib u haybayn lagu sameeyo garsoorka balse ay tahay sababo kale tahay ujeedada Gudoomiyaha Maxakamadda Kursiga looga kaxeeyay,” ayuu yidhi Cali Guray.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID oo Sharaxaya sida uu arko sababta ka dambaysa xil ka qaadista gudoomiyah Maxkamadda sare waxa uu yidhi “Sababta Lagu bedelay Gudoomiyuhu maaha dib u habayn lagu sameeyo Garsoorka ee waa arrimo siyaasadeed. Anigu markii horeba uma arkayn inuu ahaa qofkii ku haboonaa Garsoorka waayo? Ma lahayn aqoonteedii, Kartideedii iyo daacadnimadeedii midna ma lahayn laakiin, waa lagu jeclaa, oo waxaa loogu jeclaa, wixii laga fushanayo ayaa laga fushan karayay. Maanta markii ay timid arrimo dhinaca siyaasadda ah oo waliba reerkiisa ah, taas oo arrimo beeleed loo bedelay markaas wax alle waxay ka bedelayso nidaamkii garsoorka ee Somaliland ma jirto”.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista lagu sameeyey gudoomiyaha maxkamadda sare ayey dadku aragti kala duwan ka bixiyeen, inkastoo shacabka intooda badan ay soo dhaweeyeen; maadaama oo shacabku u baahi qabo in isbedel balaadhan lagu sameeyo waaxda Garsoorka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland