4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Boqollaal Muhaajiriin ah oo ay Dooni la dagtay & Dad Itoobiyaan ah oo lagu laayay Dalka Liibiya


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Boqollaal ruux oo Tahriibayaal ah ayay dooni kula dagtay meel ku dhow xeebaha Talyaaniga; iyadoo loo maleynayo in tahriibayaashaasi ay dhinteen, balse waxaa socda howlgal samata-bixin ah oo lagu baadi-goobayo dadkaas.

Sidoo kale, kooxda Daacish ee ku sugan dalka Liibiya ayaa laayay boqolaal qof oo ka tirsan Itoobiyaanka ku nool dalka Liibiya, iyadoo dilka dadkan oo ay fulinayeen rag wajiyada xirtay lagu soo bandhigay muuqaal ay Daacish soo dhigtay baraha Internet-ka.

Tahriibayaasha ay doonidu la dagtay ayaa waxaa lagu qiyaasayaa tiro ahaan inay ahaayeen illaa 700-qof. Iyadoo illaa hadda lasoo badbaadiyay 28-qof oo ka mid ahaa tahiirbayaashii doonida dagtay la socday.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ay doonidan u dagtay ay ahayd kaddib markii ay dadkii saarnaa dhinac u barteen; waxaana howlgalka dadkaan lagu raadinayo ka qaybqaadanaya 20-markab iyo saddex diyaaradood oo kuwa qummaatiga-u-kaca ah.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay dhacdooyin aad u halis badan oo ka dhacayay dhawaanahan badda u dhexeysa dalalka Llibiya iyo dalka Talyaaniga oo ay Tahriibayaasha Afrikaanka ah marin ka dhigteen marka ay doonayaan in ay tagaan Yurub.

Boqollaal kun oo qof ayaa ku dhintay xeebaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiya; kuwaasoo u badan Afrikaan ay Soomaali ka mid tahay, iyadoo ay weli tahriibayaashu ku tijaabinayaan natooda khataraha baddaas.

Dhanka kale, Daacish ayaa dad la rumeysan yahay inay yihiin Itoobiyaan masixiiyiin ah ku dilay dalka Liibiya; iyadoo dadkan lagu laayay Barqah iyo Fazzan oo ku yaalla Bariga iyo Koonfurta dalkas.

Ugu dambeyn, muuqaalka ay soo bandhigtay ISIS oo ay ugu magac-dartay '- Illaa inta ay uga Imaanayaan Cadeymo Cad - ayaa lagu shaaciayy inaysan masiixiyiinta badbaadi doonin illaa inta ay Islaamka ay qaadanayaan ama ay ka dhiibaan lacagta jizyada ah ee laga qaado dadka aan muslimiinta ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay kooxaha taacsan ISIS ee ku sugan dalka Liibiya ay dilal u geystaan dad aan muslim ahayn, iyagoo horay ugu dilay dalkaas labaatameeyo Masaarida kirishtaanka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya