4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Saraakiil ka Tirsan Milateriga Somalia oo Maanta Tababar loogu soo xiray xerada Jaziira (Sawirro)


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil tababar layli sarkaal ah dhameystay, waxaana munaasabadda oo ka dhacday xerada Jaziira ee duleedka Muqdishho ka qayb-galay, taliyaha ciidamadda XDS, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.

Jen. Diini ayaa intii uusan tababarka soo xirin wuxuu booqday taliska qaybta 12-ka Abriil ee ciidamadda xogga dalka, isagoo la kulmay taliyaha qaybtaan Jen. Maxamed Maxamuud Saneey oo uu kula dardaarmay in Qaranka loogu adeego si daacadnimo ay ku jirto.

Intaa kaddib wasiirku wuxuu ka qaybgalay xaflad tababar lagu soo xirayay saraakiil ka mid ah kuwa ciidamada xoogga, kuwaasoo dhowr bilood tababar ku soo qaatay dalka Uganda, iyadoo xerada Jaziiira lagu baray saraakiishan shuruucda iyo dhaqanka looga baahan yahay askariga Soomaaliyeed.

Taliyaha millateriga Somalia, jen. Daahir Indha-qarshe ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamada tababarka dhameystay lagu soo xulay shuruudo ay ka mid yihiin dabeecad-wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in xilligan ay Soomaaliya u jiheysatay sidii ay dalkeeda u dhisan laheyd, ciidamadana ay yihiin kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Somalia iyo sidii loogu soo dabaali lahaa dalka nabad iyo xasillooni.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga ayaa ciidanka tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar-daarmay in tababarka ay qaateen ay shacabkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, isagoo ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid heer sare ah, waxayna shacabka iyo dalkuba idin ka sugayaan waxqabad muuqda. Haddii aan rabno in adduunka aan qiimo ku yeelano waa mid ku xiran ciidamadeenna... Ciidamadu inay qiimo lahaayeenna waxay ku xiran tahay in dadka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga. Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed uu ka adkeysi badan yahay kuwa Caalamka kana dulqaad badan yahay marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro; haddana iyadoo sidaas ay tahay ayay ka xoreeyeen Al-shabaab deegaanno fara badan," ayuu yiri Jen. Diini.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda koowaad la siiyo ciidanka dhanka mushaar bixinta. Lacagta dowladda soo gasho, waxaa ugu horreeya ee laga bixiyanayo waa mushaaraadka ciidamada.”

Ugu dameyn, ciidamada tababarka loosoo xiray ayaa waxaa darajada min hal xidig u xiray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, isagoo uga mahad-celiyay saraakiisha Midowga Yurub ee tababarka bixiyay sida ay mar walba u garab-taagan yihiin ciidamada xogga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya