4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Ciidamada AMISOM oo Maanta lagu Weeraray Deegaanka Leego ee Gobolka SHabeellada Hoose


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Kooxo ka taabacsan Al-shabaab ayaa maanta ku weeraray Konolyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM meel ku dhow deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, weerarkaas oo sababay khasaare kala duwan.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa mid ay si gaadmo ah ula beegsadeen ciidamada Burundi oo ka tirsan AMISOM ay ku dileen ugu yaraan shan askari ayna ku gubeen laba gaari oo kuwa ciidanka ah.

“Dagaalyahannadeenna ayaa weeraray ciidamada AMISOM, waxayna dileen shan ka mid ah ciidamada shisheeye, laba gaari oo kuwa dagaalka ahna way ka gubeen,” ayuu ayuu yiri afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-muscab.

Sidoo kale, Col. Aadan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Somalia oo la hadlay Reuters ayaa sheegay inuu arkay dhaawaca saddex askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba gaari oo kuwa ciidamada ah oo goobta lagu gubay.

“Xaaladdu waa mid kacsan, ciidamada AMISOM ayaana ku sugan deegaankii uu weerarku ka dhacay,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Aadan Maxamed oo aan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

AMISOM weli wax hadal ah kama aysan soo saarin weerarka gaadmada ah ee lagu qaaday gaadiidkooda kolonyada ah oo aan weli la sheegin halka ay ku socdeen iyo deegaankii ay ka yimaadeen.

Goob-jooge ku sugan deegaankii uu Weerarku ka dhacay maanta ayaa isna Warbaahinta u sheegay in xoogag hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay weerareen gaadiidkii ay ciidamada AMISOM wateen, uuna dagaal culus dhexmaray xoogaggii weerarka soo qaaday & askartii AMISOM.

“Weerarku wuxuu ahaa mid ku billowday Qaraxyo… Dagaal culus oo hub kala duwan la isku adeegsaday ayaana xigay… waddada oo dhan hadda way xiran tahay; mana jiro gaari maraya,” ayuu yiri goob-jooguhu hadalkiisa ku daray.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada Afirkaanka ah ee Somalia ku sugan ayaa waxay weli ka wadaan meelo ka mid ah dalka weerarro gaadmo ah oo isugu jira qarxyo iyo dilal qorsheysan.

Illaa hadda lama oga khasaaraha kasoo gaaray Al-shabaab weerarkan, sidoo kalena si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray askarta AMISOM marka laga reebo sheegashada Al-shabaab ee ah inay dileen shan askari.

Si kastaba ha ahaateen, weerarkan ayaa imaanay iyadoo toddobaadkii hore ay Al-shabaab weerartay xarunta wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 18-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya