4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Isku-shaandheyn lagu sameeyay saraakiisha ciidamada Uganda ee ka Howlgala Soomaaliya


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Afhayeenka ciidamada dalka Uganda, Paddy Akunda ayaa sheegay in madaxeynaha Uganda, Yoweri Museveni uu isku-shaandeynku sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Paddy Akunda ayaa intaas ku daray in Museveni uu taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Uganda ee Somalia, Nakibus Lakara kaasoo bedeli doona, Col. Dick Olum oo ahaa talyihii ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

“Taliyaha la magacaabay waa shaqsi shaqo adag oo loo tababaray sida loola dagaalamo ar-gagixisada; howl culus ayaana hortaalla,” ayuu yiri Paddy Akunda oo la hadlay warbaahinta dalka Uganda.

Sidoo kale, Yoweri Museveni ayaa u magacaabay Col. John Nsubuga taliyaha guutada 17-aad ee ciidamada Uganda ka howlgala Soomaaliya, isagoo maanta laga billaabo howsha la wareegaya, sida uu sheegay Ankunda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweynaha dalka Uganda uu is-bedel kan oo kale ku sameeyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, isagoo afhayeenno iyo taliyeayal ciidan horay isku bedelay.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaa askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia; iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo u soo dira Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa waqti ay qaybo ka mid ah dalka ka socdaan howlgallo ay ciidamada AMSIOM & kuwa dowladda Soomaaliya iska kaashanayaan, kuwaasoo dhan ka ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya