4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
JACOB ZUMA: Waxbaan ka Qabanaynaa dhibka lagu Hayo Somalida ku Dhaqan Koonfur Afrika


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacop Zuma oo booqday xero si KMG ah loo dajiyay dadka ka cararay rabshadaha isir-naceybka ah ee dalkaas ka socda ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo ka mid ah ajaanibta weerarrada lagu hayo.

Zuma ayaa intaas raaciyay in dadka Koonfur Afrika aysan dhaqan u lahayn inay dhibaato u geystaan dadka la nool ee Afirkaanka ah, wuxuuna xusay in dowladda uu hoggaaminayo ay qaadayso tallaabooyinka ay ku xasilnayso dhibaatada taagan.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa falalka qaribaadda ah ee ay sameynayaan dad tiro yar oo Koonfur Afrikaan ah; waxaana qaadanaynaa tallaabooyin aan wax uga qabanayno dhibka taagan,” ayuu yiri Zuma oo intaas raaciyay inuu amar ku siiyay hay’adaha amniga dalkiisa inay badbaadiyaan hantida ajaanibta ku nool dalkiisa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadkii uu madaxweyne Zuma la kulmay ayaa u sheegay inay ka go’an tahay inay isaga tagaan dalkiisa oo ay dib ugu laabtaan waddamadooda.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay Koonfur Afrika waxaa ka jiray rabshado ay ku naf-waayeen ugu yaraan shan qof oo uu ku jiray wiil yar oo 14-jir ah, kuwaasoo ay geysanayeen kooxo careysan oo Koonfur Afirkaan ah.

Rabshadahan ayaa lagu barakiciyay kumannaan ajaanibta dalkaas ku nool ah, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaaliya, waxaana haatan ay dadkaas ku sugan yihiin saldhigyada ay leeyihiin ciidamada dalkaas si aan loo dhibaateyn.

Ugu dambeyn, ganacsato Somali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa Warbaahinta u sheegay in la boobay boqolaal dukaanno ay magaalooyinka iyo tuulooyinka waddankaas ku lahaayeen, kaddib markii ay kusoo qamaameen dad careysan oo Koonfur Afirkaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo intooda badan dukaammo ganacsi ku leh deegaano ka baxsan magaalooyinka waaweyn; halkasoo marar badan lagu weeraray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya