4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Al-shabaab oo Gobolka Jubbada Hoose ku dishay Ciidammo Kenyan ah oo ka Tirsan AMISOM


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Saddex Askari oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay siddeed kalena waa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen konolyo gaadiid ah oo wateen ciidamada Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa sheegay in ciidamada dilka iyo dhaawaca loo geystay ay xilliga ay Al-shabaab weeraraysay ku sugnaayeen deegaan ku dhow deegaanka Taabto Sabtidii shalay.

“Weerarka Al-shabaab oo gaadmo ahaa waxaa lagu dilay saddex askari oo ciidamadeenna ka tirsan, iyadoo lagu dhaawacay sideed askari oo kale oo ay xaaladdoodu wanaagsan tahay,” ayuu warbaahinta u sheega sakraal Kenyan ah oo codsaday in magaciisa la qariyo.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in askartii dhaawacmay loo qaaday xilli dambe deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo looga dhoofiyay magaalada Nairobi si loogu daweeyo.

Al-shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku haysay askarta Kenya ee qaybta ka ha howlgalka AMISOM ee ku sugan Koonfurta Somaila, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Somalia.

Ciidamada Kenya ayaa laba sano ka hor kala wareegay Al-shabaab degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ahayd saldhiggii ugu weynaa ee ay Al-shabaab ku lahayd Koonfurta Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa imaanaya xilli mucaaradka Kenya ee ODM ay ka dalbanayaan xukuumadda dalkaas inay ciidamada Kenya kasoo saarto gudaha Somalia, si ay shacbka Kenya uga difaacaan weerarrada Al-shabaab ay ku qaadayso Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya