4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Madaxweynaha Kenya oo Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Milateriga Waddankiisa


Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa taliyaha cusub ee ciidamada milateriga dalka Kenaya u magacaabay, Jen. Samson Mwathethe, kaddib markii uu xilka iska casilay taliyihii Jen. Julius Karangi oo muddo ahaa taliyaha ciidamada KDF-ta Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri. “Waxaan taliye cusub ugu magacaabay millateriga Kenya, Jen. Mwaththe, wuxuuna xilka ula wareegi doono si rasmi ah toddobaadka soo socd.”

Taliyihii hore ee ciidamada Kenya Jen. Karangi ayaa si weyn loogu eedeeyay jawaabtii ay ciidamada dalkaas ka bixiyeen weerarkii Westgate Mall oo Al-shabaab ay weerartay sannadkii 2013-kii, iyadoo ciidamada lagu eedeeya in ay geysteen boob habtiyeed, intii howlgalku socday.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya ayaa bishii December ee sannadkii hore magacaabay taliyaha cusub ee booliiska iyo wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, kuwaasoo iygaana lagu eedeeyay inay tallaabo cad ka qaadi waayeen kooxaha weeraraya Kenya.

Al-shabaab ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanaysay tan iyo markii ay Kenya u soo dirtay Somalia ciidamadeeda dhammaadkii 2011-kii, iyagoo ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ay ku qaado Kenya ayaa waxaa ka mid ahaa; weerarkii Westgate Mall iyo kii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dileen dad fara badan. Iyadoo kooxdu ay ku goodisay inay weerarro kale ka geysanayso Kenya.

Ugu dambeyn, dadka saadaaliya siyaasadda ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay ku adag tahay inay sugaan amniga guud ee Kenya, taasoo ku qasbtay Kenya inay darbi ka dhisto xuduudda ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya