Hiiraan Online
4/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2015
Waddada Marta Bartamaha Magaalada Kismaayo oo lagu billaabay dhisme dayactir ah (SAWIRRO)
Axad, Abriil 19, 2015 (HOL) :- Dhismaha wadada dheer ee xiriirisa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo Jaamacadda magaalada Kismaayo ayaa si rasmi ah u biloowday, iyadoo ay soconayaan burburin lagu sameeynayo laamigii hore oo isagu ahaa mid aad u dayacan.
Howlahan dhismaha ayaa waxaa iska kaashanaya dowladda Mareeykanka iyo weliba qaar kamid ah shirkadaha dhismaha ee degmada Kismaayo, waxaana la filayaa in mudo sedex bilood ah lagu soo gabagabeeyo dhismaha wadadaasi.
"Aad baan ugu faraxsannahay dhismaha lagu bilaabay jidka dheer ee laamiga ah, hadda waxaa xiran isgoyska olombik ilaa aargada oo uu dhisme ku socdo, waana tallaabo horumar lah," sidaa waxaa yiri Cismaan C/laahi oo kamid ah gaadiidleeyda magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mara laba jid oo laami ah, mid aada magaalada Muqdisho iyo mid kale oo isku xira dekedda Kismaayo ilaa warshaddii hore ee hilibka, waxaana jira wadooyin dhowr ah oo burbursan islamarkaana u baahan in dyaactir lagu sameeyo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya