4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Gaaray Dalka Kuwait (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga & warshadaha xukuumadda Somalia, C/ramxaan Cismaan ayaa xalay gaaray dalka Kuwait, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuwait.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa Kuwait kaga qayb-galaya shir-weynaha 2-aad ee dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga dalalka Carabta iyo Turkiga oo ka dhici doona dalkaas.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka soday wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Kuwait; safiirka Smalia ee Kuwait, C/qaadir Amiin Sheekh iyo dublamaasiyiin ka tirsan safaaradda Somalia ee dalka Kuwait.

Inta uu shirku socdo waxaa la filayaa in wasiirku uu la kulmo dhiggiisa dalka Kuwait, kan Imaaraadka Carabta, kan Sucuudiga, midka Turkiga iyo Cumaan oo ah dalal ay Soomaaliya yihiin ganacsiga wadaag.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hordhigi doona dalalka shirkaas kasoo qaybgalaya qorshe ay ku maal-gashan karaan Somalia, maadaama ay xilliga si aad ah uga soo raynayso Soomaaliya sidii ay horay u ahayd, gaar ahaan ammaanka iyo ganacsiga.

Ugu dambeyn, danjiraha Somalia ee dalka Kuwait, ahna hormuudka safiirrada Carbeed ee Kuwait ayaa isna kaalin muuqata ka cayaaraya dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo is-kaashiga dhaqaale iyo midka ganacsi ee waddamada Carabta iyo Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya