4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
AMISOM: Xaaladda Jaziirada Kudhaa way kasoo Hagaagaysaa sidii ay Horay u ahayd (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay in xaaladda nololeed ee Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ay soo hagaagayso tan iyo markii xoogaggii Al-shabaab laga saaray muddo bil laga joogo.

War-saxaafadeed ay Maanta soo saartay AMISOM ayay ku xustay in qabsashada Jaziirada Kudhaa ay timid kaddib shan bilood markii magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose laga qabsaday Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.

“Xoreynta Jasiiradda Kudhaa waxay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Soomaaliya, waayo waxay ahayd deegaan ay Al-shabaab kasoo abaabusho weerarrada ay ka geysato deegaanno ka mid ah kuwa Koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Sidoo kale, AMISOM waxay warbixinteeda ku xustay in Kudhaa ay ahayd waddada keliya ee ay Al-shabaab u soo mari jirtay alaabooyinka ay baahida gaarka ah u qabaan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia ayaa intaas ku daray in tan iyo markii laga qabsaday Al-shabaab Jaziiradda Kudhaa oo laga joogo bil ay kasoo raynayso xaaladda nololeed ee ka jirta Jaziiraddaas oo ay ku nool yihiin 2,500 oo qof.

“Jaziiradda Kudhaa waxaa la xoreeyay 22-kii Maarso, 2015-kii, kaddib weerar wadajir ah oo ay ku qaadeen ciidamada dowladda Somalia & kuwa AMISOM. Waxaana sii wadaynaa in deegaannada kale la nabadeeyo; iyadoo dadka ku nool Jaziiradda ay aad u faraxsan yihiin xilligan,” ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM ee Koonfurta Somalia, Mijir Major Patrick Mutuku oo ka socda dalka Kenya.

Dhanka kale, mas’uulka maamulka Kudhaa, Kadiye Ibraahim Cabdulle oo isna ka hadlay xaaladda deegaanka ayaa xusay inay tahay mid wanaagsan, isagoo sidoo kale sheegay inay uga mahad-celinayaan AMISOM dadaalkii xooganaa ee ay u galeen xoreynta Kudhaa.

“Xilligan waxaa Kudhaa ka jira is-bedel weyn. Markii hore Al-shabaab waxay deegaanka u adeegsan jireen inay dhibaatooyin ka abaabulaan, balse hadda waanu faraxsannahay waayo gacantii Al-shabaab waa laga saaray. Kooxda Al-shabaab way dhibi jireen… balse marna nama taageerin,” ayuu Kediye ku sheegay hadalkiisa.

Ugu dambeyn, afhayeenka maamulka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa wafdi dhawaan booqday Jaziiradda Kudhaa ayaa deegaankaas geeyay gargaar kala duwan oo shacabka loo qaybiyay, xilli ay qoysaska ku nool deegaankaas u baahnaayeen gargaar cunno.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya