4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Al-shabaab oo Sheegatay Dilkii Muqdisho loogu Geystay Mudane ka tirsanaa Wakiilada Puntland


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aadan X. Xuseen Ismaaciil oo maanta barqadii lagu dilay xaafadda Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 Mudanahan ayaa la toogtay isagoo kasoo baxay isbitaal uu baaris caafimaad u tagay saaka, iyadoo dableydii dishay ay ku dhex-toogteen gudaha gaari uu saarnaa, iyadoo uu la socday xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamanka Somalia, kaasoo ka badbaaday weerarka.

“Innaga ayaa ka dambeynay dilka xildhibaanka Puntland ka tirsan, waana sii wadi doonnaa toogashooyinka aan la beegsanayno cadowga,” ayuu yiri afhayeenka dhanka howlgallada ee Al-shabaab oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegatay inay sidoo kale mas’uul ka yihiin weerar xalay lagu qaaday saldhigga booliiska magaalada Boosaaso oo lagu dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliiska maamulka Puntland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa dilka xildhibaankaan loogu geystay Muqdisho si adag u cambaareeyay, iyadoo la sheegay in xildhibaanku uu Muqdisho u joogay xaalado caafimaad.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo weerarro is-daba-joog ahna ka geysanaysay magaalada Muqdisho iyo deegaannada Puntland; kuwaasoo ay natooda ku waayeen dad fara badan.

Kooxaha dilay xildhibaanka oo watay gaari yar ayaa dilka kaddib ka baxsaday goobtii uu ka dhacay dilka, iyadoo sarkaal sare oo booliiska DFS ka tirsan uu sheegay inay baadi-goob ku hayaan kooxihii dilka geystay.

Ugu dambeyn, xildhibaan Aadan Xaaji ayaa maydkiisa la dhigay mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn halka lagu aasi doono, wuxuuna noqonayaa xildhibaankii u horreeyay oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu dilo magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya