4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Xisbiyada Britain oo Billaabay Doodaha Doorashooyinka Dalkaas ka dhici doona Sannadkan


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Britain ayaa ka qayb-galay dood si toos ah uga baxaysay telefishinnada dalkaas oo ku saabsanayd doorashooyiinka guud ee waddankaas ka dhici doona sannadkan.

Ra’iisul wasaaraha UK, David Cameron iyo hoggaamiyaha xisbiyada uu is-beheysiga la leeyahay ee Nick Clegg, kameysan qeyb-galin doodaas oo ahayd mid si weyn ay shacabka dalkaas ula socdeen.

Sidoo kale, waxaa lasoo bandhigay sababta uu David Cameron uu doodda uga qayb-geli waayay, taasoo uu ku sheegay inuu jeclaystay inuusan ka qayb-galin, iyadoo aysan wax la yaab leh noqon in mucaaradku ay ku weeraraan doodda.

Ninka sida weyn ugu guuleystay dooddan wuxuu ahaa hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha, Ed Miliband, kaasoo ahaa qofkii keliya ee soo bandhigay inay suuro-gal tahay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Biritain.

Intii ay dooddan oo ahayd mid kulul ay socotayna waxaa lasoo bandhigay arrin wanaagsan oo uu sameeyay hoggaamiyaha xisbiga Qaran ee gobolka Scotland ee Nicola Sturgeon.

Xubnihii ka qaybgalay doodda ayaa si wadajir ah u eedeeyeen xukuumadda talada haysa, iyadoo laga yaabo in dadka qaarkood ay dhinac iska dhigi doonaan fikradihii ay jeediyeen qaar ka mid ah mucaaradka doodda ka qaybgalayay oo masraxa ku sameystay isbeheysi dhan ka ah xisbiga midigta ee aan laga guuleysan karin.

Ugu dambeyn, doorashooyinka guud ee dalka Britain ayaa waxay dhacayaan bisha May ee nagu soo fool-ka leh, iyadoo hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ah ay isku garbinayaan sidii guul uga heli lahaayeen doorashooyinka guud ee soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya