4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Dowladda Somalia oo ka Dalbatay Dhiggeeda Kenya inay Dib u Furto Xawaaladihii ay Xayirtay


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia oo markii ugu horreysay ka hadashay culeyska ay xukuumadda Kenya ku heyso Soomaalida dalkeeda ku nool, kaddib markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa ee lagu dilay 148-ka qof, ayay dhigeeda ka codsatay in
ay dib u furto shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee ay xayiraadaha kusoo rogtay dhawaan.

“Xukuumadda Somalia waxay uga mahad-celinaysaa dowladda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii magan-gelyo siinaysay qoxootiga Soomaliyeed ee ku qulqulayay dalkeeda, kuwaas oo ka cararay colaadihii sokeeye ee Somalia ka dhacay iyo weerarrada argagaxisada. Waxaana mahad middaas la mid ah u jeedinaynaa dalalkii muddadaas dheer daryeelka u fidiyay Qoxootigaas,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Somalia.

Sidoo kale, qoraalkaas waxaa lagu sheegay in dowladda Kenya iyo Beesha Caalamka ay mas’uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta iyo daryeelka qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool, maadaama aanay waxba isaga bedelin xaaladda guud ee ammaanka dalka.

“Inkastoo la-dagaalanka argagixisadu uu wax weyn ka bedelay dareenkii is-jeceylka dhanka bini’aadamnimada ee caalamka, haddana waxaa lama huraan ah in dowladaha iyo bulshada adduunka yeeshaan samir, dulqaad & awood ay ku kala saaraan dambiilaha & dulmanaha,” ayay xukuumadda Somalia ku tiri qoraalkeeda.

Waxaa kaloo qoraalkeeda ay ku tiri xukuumadda Soomaaliya waxaanu helaynaa warbixinno naxdin leh oo la xiriira xaaladda amniga, nolosha iyo daryeelka caafimaad ee Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

“Sida la wada og-yahay, hay’adda UNHCR waxay sannadihii dambe dhintay cuntadii iyo daryeelkii ay siin jirtay Qoxootiga xeryaha Dhadhaab ku nool, sidoo kalena la-dagaalanka Al-shabaab iyo argagixisadu wuxuu xeryaha ka xiray dhammaan adeegyadii aadamnimo, kaddib markii la joojisay deeqdii ay Qoxootigu mar-mar ka heli jireen hay’adaha samafalka iyo shaqsiyaad ka socda Dunida Islaamka iyo weliba shilimaadkii ay dhinaca xawaaladaha eheladoodu u soo marin jireen,” ayaa qoraalka dowladda lagu xusay.

Ugu dambeyn, xukuumaddu sheegtay in iyadoo ka xun dhamaan ficiladda argagixisada ee ka dhanka ah nabadda iyo xasilloonida Kenya, Bariga Africa iyo caalamka; ayaan waxaan ugu baaqaynaa dowladda Kenya qodobbadan:

1. Inay xakamayso carada xukuumadda iyo tan shacabka Kenya ay ka qaadeen weerarkii Garissa oo ay ogaato inay Al-shabaab yihiin cadowga nolosha iyo nabadda dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

2. In la xoojiyo awoodda iyo wada-shaqeynta sirdoonka labada dal ee dariska iyo walaalaha ah, isla markaana laga dhex-abuuro shacabka labada waddan mutadawiciin la shaqeeya booliiska, si loo qab-qabto dambiilayaasha, gacmaha hay’adaha amniga looga ilaaliyo inay ciqaabaan dad aan waxba galabsan.

3. Inay dib u furto shirkadaha Xawaaladaha ee la xayiray oo soo geliya waddanka Kenya dhaqaale fara badan, isla markaana ay ku tiirsan tahay nolosha qoysas badan oo isugu jira Kenyan iyo Qoxootiga Soomaaliyeed.

4. In arrinta dib u celinta Qoxootiga Soomaaliya loo maro qorshihii saddex-geesoodka ahaa ee isla qaateen labada dowladood iyo hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Gaba-gabadii qoraalka ayay xukuumadda Somalia waxay ku sheegtay inay dardar-gelinayso dabar-goynta Al-shabaab iyo dib u xoreynta deegaannada yar ee ku harsan gacantooda, waxayna ugu baaqaysaa dowladaha gobolka inay nagu garab-siiyaan dagaal lagu soo af-jarayo jiritaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya