4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Madaxweynaha Somalia oo Urdun kaga Qayb-galaya shirka Amniga ee dalalka Afrika & Carabta


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Aqaba ee dalka boqortooyada Jordan, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir-madaxeed caalamiga ah la xiriira is-kaashiga ammaanka.

Shirkan oo ay isugu imanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo Carabta ayaa lagu gor-feyn doonaa qaababka ugu habboon ee dhaqsaha ah ee dalalkani ay isaga kaashan karaan sugidda ammaankooda iyo kan caalamka.

Xasan Shiikh iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Aqaba si weyn ugu kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan boqortooyada dalka Urdun, waxaana la filayaa in uu kulammo la qaato madaxda kasoo qayb-galaya shirkaan.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay Muqdisho ka dhoofay, iyagoo sii maray dalka Turkiga, waxayna uga sii gudbeen dalka Boqortooyada Jordan oo ay shirka amniga kaga qayb-galayaan; waxayna tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu Xasan Sheekh socdaal ku tago Urdun.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya