4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
SAWIRRO: Dayactir lagu billaabay Wadooyinkii ku Burburay Roobkii Dhawaan ka da'ay B/weyne


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa billaabay in si iskaa-wax-u-qabso ah ay ku dhisaan waddooyinkii ku burburay roobabkii ugu dambeeyay ee ka da'ay magaalada Beledweyne, gaar ahaan waxaa dayactir xoog leh lagu wadaa waddo muhiim u ah oo isku xirra gobollka Hiiraan iyo gobollada kale ee dalka.

Waxaa dadweynaha kala qeyb-qaadanaya howsha iskaa wax u qabso ee lagu dayactirayo jidadka bur buray mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, waxgarad iyo siyaasiyiin.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo la arkayay isaga oo dhinaciisa ka qeyb-qaadanaya howsha, ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay mar walba isku tashadaan kana qeyb-qaataan dib u dhiska goobaha danta guud.

“Runtii shacabka waanu uga mahad-celineynaa sida ay isugu soo baxeen; isla markaana diyaarka ugu yihiin inay dalkooda dhistaan gaar ahaan gadiidleyda waxaa ugu baaqeynaa in ay kaalin xoog leh arrintan ka qaataan ayuu yiri'' guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, roobabkii ugu dambeeyay ka da'ay Beledweyne ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay nolasha guud ee magaalada, iyadoo marka laga soo tago bur burka wadada, siddoo kale roobabku barakiciyeen qoysas dhowr ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya