4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Guddoomiyihii Xarunta Xuquuqul Aadanaha Somaliland oo Maanta Xabsiga loo Taxaabay


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Guddoomiyihii Xarunta Xuquuqul Aaadanaha Somaliland, Guuleed Axmed Jaamac ayaa maanta loo taxaabay xabsiga magaalada Hargeysa; taasoo la sheegay inuu amarkaasi bixiyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa.

Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhiga gudoomiyahoodda, kuwaas oo ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan.

“Waxaa maanta (18.04.2015) abaaro 09:00 subaxnimo lagu xidhay maxkamada gobolka Hargeisa Guleid Ahmed Jama oo ah Gudoomiyiha Xarunta Xuquuqal Insaanka isagoo hawl maalmeedkiisa shaqo ee caadiga ahaa ku guda jira. Waxaa amaray xarigan guddoomiyaha maxkamada Hargeisa. Amarkaas qabashadu muu ahayn mid sababaynsan. Waxaa la qabtay iyadoo aan waaran qabasho oo maxkamadi soo saartay aanu jirin.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xaruntan.

Waxaana intaas lagu daray “Gudoomiyaha Maxkamada Gobolku waxa uu si cad ugu xad gudbay qodobka 25aad ee Dastuurka Somaliland kaas oo dhigaya inaan qofna la xidhi karin iyadoo aan loo hayn Waaran Qabasho oo Sababaysan.”

“Xarunta  xuquuqal Insaanku waxay si adag u cambaaraynaysaa xadhigaa sharci darada ah ee lagula kacay Gudoomiyaha Xarunta. Waxaanay ugu baaqaysaa Xaruntu guddoomiya maxkamadda inuu si deg-deg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo Guuleed Axmed Jaamac,” ayaa lagu soo gabogabeeyey war-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Axmed Huseen Cabdi oo ka mid ah saraakiisha xaruntan.

Sida wararku tilmaamayo gudoomiyaha xaruntan xuquuqul insaanka ayaa la sheegay in lagu haysto waraysi uu siiyey Idaacadda BBC-da oo uu kaga hadlay sida uu arko xukunkii Qisaasta ahaa ee lagu fuliyey lixda qof dhowaan, taas oo xusay inay ahayd mid lagu deg-degay, haseyeeshee illaa hadda kama hadal waaxda Garsoorka oo lagu eedeyanyo inay xidheen iyo xukuumadda lafteedda, isla markaana si cad looma sheegin dambiga uu gallay ee lagu xidhay muwaadinkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland