4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Afhayeen cusub u Magacaabay Maamulka gobolka Banadir


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen ayaa lagu magacaabay afhayeen cusub oo uu yeelanayo maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenkii hore Cali Maxamuud Faarax  Seeko ayaa lagu bedelay afhayeen cusub oo lagu magacaabo, C/fataax Cumar Xalane, kaasoo isla maanta si rasmi ah ula wareegay xilka af-hayeennimada maamulka.

Muun-gaab ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay wuxuu isku bedelay in ku dhow afar afhayeen, iyadoo mid ka mid ah afhayeennadaas uu xilka iska casilay, kaddib markii uu sheegay in howlihiisa lagu soo fara-geliyay.

Haddaba Hoos ka Akhriso wareegtada lagu magacaabay Afhyeenka cusub ee maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya