4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamanka Puntland oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayay kooxo dabley ah ku dileen maanta Muqdisho, xilli uu la socday gaari, isagoo noqonaya mas’uulkii uug horreeyay oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo Muqdisho lagu dilo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil ayaa la sheegay inuu baryahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho; iyadoo dableyda dishay ku dhex toogteen gaari uu la socday, kaddib markii ay rasaas ku fureen.

Kooxaha dilka xildhibaanka Puntland geystay ayaa watay gaari yar oo kuwa raaxada ah, iyagoo mudanaha ku dilay Xaafada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wararka waxay intaas raaciyaan in xildhibaankan la dilay uu arrimo caafimaad u joogay Muqdisho, wuxuuna xilliga la dilayay la socday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ka badbaaday weerarkaas.

Dableydii dilka xildhibaanka geysatay ayaa baxsaday, iyadoo aanay jirin illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaankan ka tirsan golaha wakiillada Puntland, mana jiro hadal kasoo baxay dowladda Somalia iyo Puntland oo ku saabsan dilka xildhibaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya