4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Xukuumadda Somalia oo ka Dalbatay Hogaanka Koonfur Afrika in la Xakameeyo Rabshadaha Socda


Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarrada ka dhanka ah muwaadiniinteeda ku nool wadanka Koonfur Afrika ee hantidooda lagu hayo boob iyo dhac.

Dowladda iyo shacabka Somalia waxaa naxdin ku noqotay xad-gudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la ogsoon yahay taageerada xooggan ee Somalia ay u fidisay loolankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay ku diidaneed midab-takoorka.

Taariikhdu waxay marqaati ka tahay tallaabooyinka shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u qaadeen si loo sugo xoriyadda shacabka walaalaheen ah ee Koonfur Afrika, waxaa lagu bixiyay dadaalkaasi hanti iyo taageero dhinacyo badan leh si loo gaaro Koonfur Afrika oo xor ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Siyaad Barre wuxuu yiri. "Gobonimada iyo Xoriyadda aan haysanno wax micno ah ma lahan haddii walaalaheen South Africa ay yihiin kuwa la dulmiyay oo xuquuqdoodii ay ka xanniban tahay oo aanay lahayn aaya-katashi, annaga iyo dalalka Afrika waxaanu laba-laabi doonnaa dadaalkeena si aan caalamka ugu baraarujinno xaaladda halista ah ee ka taagan Koonfur Afrika; waxaa waajib nagu ah in aan taageero farsamo iyo mid niyad ah aan u fidinno dhaq-dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika, si dal waliba oo Afrika ah uga xoroobo kuwa boobaya kheyraadka, dhaawacna u geysanaya karaamada iyo sharafta Afrika."

Sidaas darteed, dhaqankaas colka ku ah shisheeyaha iyo badownimada ay muujiyeen kooxda xad-gudubyada soo noq-noqday geysaneysa ma ahan mid la aqbali karo. waxaanu soo dhaweyneynaa fara-gelinta deg-dega ah iyo cambaareynta uu jeediyay madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo uu todobaadkan ka hor0sheegay b​​aarlamaanka in dowladdiisa aanay cafin doonin dadka geysta weerarada ka dhanka ah dadka ajaanibta ah ee sida wacan u shaqeysanaya ee Koonfur Afrika ku nool, waxaanuna taageereynaa hadalka Zuma ee ah in weerarada noocani oo kale aan loo sameyn karin marmarsiinyo.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka dowladda Somalia ayaa lagu soo gaba-gabeeyay inay dowladda dowladda walaalaha ah ugu baaqayso walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika inay qaado tallaabooyinka deg-dega ah ee lagama maar-maanka ah si loo hakiyo weerarrada muwaadiniinta ku nool dalkaas looga hor-tagyo, lana maxkamadeeyo dadka dhibaatadaas ku lugta leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya