4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2015
Dabley Weerartay saldhigga BAALADE ee Magaalada Boosaaso iyo Sarkaal lagu Dhaawacay
Sabti, Abriil 18, 2015 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii soo weerartey saldhigga booliska Baalade ee magaalada Boosaaso.

Ugu yaraan saddex nin oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta iyo qoryaha darran doorriga u dhaca ayaa saldhigga dhowr jiho kasoo weeraray.

Qarax ayuu ku bilowdey weerarku waxaana intaas kaddib xigey rasaas qaddar daqiiqado ah socotey taasoo dhex martey kooxda duullaanka soo qaaddey iyo ciidamada.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo la hadley VOA ayaa sheegay in dhaawac fududi soo gaarey taliyaha saldhigga la weerarey oo lgu magacaabo Siciid Cali Ibraahim.

Taliyuhu wuxuu weerarkan ku eedeeyey ururka Al-shabaab isagoo xusey in hawlgal ciidamadu isla xalay ka sameeyeen xaafadda New Bosaso lagu soo qabtey dhowr qof oo falkan lala xiriirinayo.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatey mas'uuliyadda weerarkan, haseyeeshee Al-shabaab ayaa sanadkan gudihiisa dhowr weerar oo caynkan oo kale ahaa magaalada Boosaaso ka fulisey.

February 3, 2015 Al-shabab ayaa  weerar qorsheysan kusoo qaaddey isla saldhigga booliska Baalade. Hal askari ayaa ku dhaawacmey weerarkaas labo gaarina waa lagu gubey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya