4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
Dowladda Ciraaq oo Shaacisay in Ciidankeedu ay Magaalada Tikrit ku Dileen Cisad Ibraahiimi


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dalka Ciraaq; ahaana gacan-yarihii madaxweynihii hore ee Ciraaq Sadaam Xuseen iyo hogaamiye milatari, Cisad Ibraahimi Al-Duuri oo si dhuumaaleysi ah ku joogay dalka Ciraaq ayaa lagu dilay dalkaas.

Al-Duuri oo ahaa hoggaamiyaha xoogag taabacsan ururka Daacish ayaa lagu dilay gobolka Salaaxu-ddiin oo ku yaalla waqoyiga magaalada Baqdaad ee Ciraaq; kaddib dagaal dhex-maray dhexmaray xoogagga uu hoggaaminayay iyo maleeshiyo Shiico ah.

Hoggaamiyahan la dilay ayaa ahaa gacantii midig ee madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen oo sannadkii 2003-dii ay xukunka ka tuureen ciidamadii uu Maraykanku hoggaaminayay ee weeraray dalka Ciraaq, iyadoo Sadaam la daldalay  sannadku markuu ahaa 2006-dii.

Sidoo kale, Al-Duuri ayaa ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ee ka tirsanaa xisbigii dalka Ciraaq hoggaaminayay ee Bacath; iyadoo la dul-dhigay madaxii lacag fara badan si loosoo qabto, balse lagu guuleysan waayay in la qabto.

Cisad Ibraahimi Al-Duuri ayaa horay loo sheegay in la qabtay, laakiinse been ayay noqday, balse taleefishinka Al-Arabiya ayaa soo bandhigay maanta muuqaallo lagu sheegay meydka Al-Duuri.

Guddoomiyaha gobolka Salaaxu-diin, Raa’id Al-Jubuuri ayaa sheegay in Al-Duuri lagu dilay howlgal ay fuliyeen maleeshiyaad shiico ah oo ka mid ahaa ciidamadii dhawaan la wareegay magaalada Tikrit, isagoo xusay in lagu dilay bariga Tikrit.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Ciraaq oo ay caawinayaan diyaaradaha dagaalka ee reer galbeedka ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ay Daacish ka talinaysay, balse kooxda ISIS ayaan weli ka taliya deegaanno badan oo ku yaalla dalka Ciraaq; gaar ahaan gobollada ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka dalkaas oo ay ku jirto Muusil.

Ugu dambeyn, Cisad Al-Duuri ayaa la rumeysan yahay inuu gacan ka geystay sidii Ururka Daacish/ISIS ay u qabsan lahaayeen deegaanno ka tirsan dalka Ciraaq oo ay qaarkood weli ka taliyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya