4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
Hay’adda Amnesty International oo Xukuumada Kenya uga digtay celinta Qoxootiga Dhadhaab


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Hay’adda Amnesty International ayaa go’aankii ay Kenya ku dhawaaqday ee ahaa in 350,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah dib loogu celinayo gudaha Somalia ay tahay mid xad-gudub ku ah sharciyada caalamiga ah ee Qoxootiga.

Xeryaha Dhadhaab ayaa ah xeryaha qoxootiga kuwa ugu weyn caalamka, iyagoo ku taalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya qiyaastiina u jirta 100-km magaalada Gaarisa oo dhawaan uu ka dhacay weerar lagu dilay 148-qof, kaasoo mas’uuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay.

“Weerarka Gaarisa kaddib dowladda Kenya xaq ayay u leedahay inay go’aansato in amniga shacabkeeda ay ilaaliso, laakiinse taasi ma ahan in Qoxootigii ammaanka u soo raadsaday dalkooda ay khatartii ay kasoo carareen ku celiyaan,” sidaas waxaa yiri wakiilka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika iyo Harooyinka waa-weyn, Muthoni Wanyeki.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa 11-kii bishan Abriil sheegay inay ku wargeliyeen hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR inay dib ugu celiso Qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab gudaha Soomaaliya; haddii kale ay iyagu u rarayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan ka talin deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ku yaalla, goobahaasoo ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee dhibaatadu ay kasoo gaarto dadaka shacabka ah. Waana mid Sharciyada Caalamka u yaalla ee ilaalinta Qoxootiga ku noqonaysa xadgudub - haddii Qoxootiga Dhadhaab ku nool dib loogu celiyo deegaannada aan xasilloonayn oo ay ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah Aadanaha.

“Sida ku cad shuruucda caalamiga ah, dalalka dunida waxaa ka mamnuuc ah inay si khasab ah qoxootiga ugu celiyaan deegaanno halisi ay ka jirto oo ay ka dhacaan xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha. Kenya waxay ka mid tahay waddamadii saxiixay heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda Aadanaha; waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso heshiisyada ay wax ka saxiixday,” ayuu mar kale yiri Muthoni Wanyeki.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Kenya go’aansatay in qoxootiga Dhadhaab ku jira ay dib ugu celiso Somalia. Bishii November 2013 ayay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNCHR waxay kala saxiixdeen heshiis dhigayay in Qoxootiga Dhadhaab ciddii ogol inay dalkooda ku laabato la caawiyo, balse aan la khasbin.

“Amnesty International waxay heshay xogo ku saabsan in Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab loo geysto dhibaatooyin kala duwan, iyadoo lagu eedeynayo inay ka yihiin mas’uul amni-darrada ka jirta Kenya. Waxaan xukuumadda Nairobi ugu baaqaynaa inay qaadato go’aan ka duwan in qoxootiga si khasab ah waddankooda loogu celiyo, waayo tallaabada ah in khasab lagu celiyo mid wanaagsan,” ayuu Wanyeki ku sheegaay qoraalka ay hay’addu soo saartay.

Ugu dambeyn, hay’addu Amnesty International waxay dowladda Kenya ku boorrisay inay dhowrto dhamaan sharciyada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo Qoxootiga. Isla markaana ay difaacdo Qoxootiga Soomaaliyeed oo qaarkood ay sannado badan ku noolaayeen Dhadhaab iyo dadka kale ee magan-galyo doonka oo dalkooda imaanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya