4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
SAWIRRO: Saameytii ay reebeen roobabkii xiliga Gu'ga ee ka da'ay Magaalada Beledweyne


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Iyadoo guud ahaan gobollada Soomaaliya ay ka curteen roobabkii gu'ga ayaa magaalada Beledweyne waxaa saacadihii ugu dambeeyay si xiriir ah uga da'ayay roobab saameyn ku yeeshay isku socodka dadweynaha iyo gadiidka, sidoo kalana waxaa laga barakacay xaafadaha qaarkood.

Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ayay si gaar ah roobabka u saameeyeen, kaddib markii ay ku soo fataheen biyo xoog leh oo ka soo rogmaday dhulka buuraha ee ku teedsan magaalada kuwaa oo si toos ah biyaha ugu soo shubaya waadiga dhaxmara bartamaha magaalada.

Roobabka ayaa sidoo kale jiray waddo muhiim u aheyd isku socodka gadiidka isaga-goosha magaalada Beledweyne iyo gobollada dhinaca Waqooyi ee Soomaaliya ku yaalla, waxaana soconaya gurmad ku aadan siddii wadda dib loogu hagaajin lahaa.

Wali waxaa taagan cabis laga qabo in roobabku intaan kasii xoogeystaan, waana taas midda keentay in durbaba qoysaska qaar caruurta iyo dadka jilicsan ee waayeelka ka soo saaraan xaafaddaha saameynta ay ku yeeshaan inta badan roobabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya