4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
JACOB ZUMA: Waa in la joojiyaa Weerarada lala beegsanayo dadka Afrikaanka ah (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlayay rabshadaha sii xoogeysanaya ee ku saleysan Jinsi-nacaybka ee ka socda Koonfur Afrika ayaa sheegay inuu si adag u cambaareynayo isagoo ku baaqay in la joojiyo.

Rabshadahan oo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka ajaanibta ah ee dalkaas ku nool ayaa sababay dhimashada lix qof inta la ogyahay, iyadoo kumannaan qof oo ajnabi ahna ay ka barakaceen deegaannadii ay ku noolaayeen iyo goobahoodii ganacsiga, iyagoo ka baqdin qaba in la beegsado.

“Waa in la joojiyaa rabshadaha ku dhisan Jinsi-nacaybka, waayo ma sii wado karno inaan inaan innagoo Afrikaan isku mida ah oo Qaarad qura kuwada nool aan isku dilno mid-mid,” ayuu yiri Zuma oo wareysi siinayay warbaahinta SABC ee Koonfur Afrika.

Zuma oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Waxa ka dhacaya dalkeenna waa kuwo aan la aqbali karin… waana cambaareynaynaa in shacabkeennu billaabaan weerarro ay ajaanibta ku beegsanayaan kuna dilayaan.”

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarrada dadka ajaabinta ah lagu hayo ee ka socda magaalooyinka waddankaas oo ay ka mid yihiin; Johannesburg iyo Durban.

Sidoo kale, weerarrada lagu hayo ajaanibta ayaa waxaa isna cambaareeyay guddoomiyaha gobolka Kwa-Zulu-Natal, Jen. Mmamonnye Ngobeni; iyadoo rabshadahan dadkii lagu dilay uu ku jiro wiil yar oo 14-jir ah, waxaana lagu barakiciyay dad aad u fara badan.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Jacob Zuma uu qoraal lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan gobolka Kuwa-Zulu-Natal uu la saxiixday wasiirka arrimaha gudaha, Malusi Gigaba iyo wasiirka booliiska Koonfur Afrika, Nathi Nhleko.

“Xukuumaddu waa inay si adag u shaqeyso si loo helo fursado sidii dadka ajnabiga ah ee ku nool gobolkaas ay u heli lahaayeen amni ganacsiyadooda ku wataan. Mana ahan mid aan aqbali karno in marka loolan ganacsi uu yimaado aan u isticmaalno rabshado, gaar ahaan walaalaheenna Afirkaanka ah ee wiil iyo gababa leh ee aanu wada-daggannahay Qaaradda Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray Jacob Zuma.

Madaxweynaha Koonfur Afrika wuxuu hadalkiisa raaciyay in markii dalkooda uu ku jiray dhibaatada xilliyadii lasoo dhaafay ay taageero ka heli jireen dalalka kale oo Afrikaan ah si aan ugu dagaalanno xorriyaddeenna. Isagoo hadalkiisa ku yiri. “Xilligii aan dhibaatada ku jirnay walaalaheen nama aysan eryi jirin, waana in taas maskaxda lagu hayo.”

Dhanka kale, Jacob Zuma wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo qoysaskii rabshadaha ka socda dalkiisa Koonfur Afrika ku waayay kuwii ay jeclaayeen, iyadoo Koonfur Afrika ay weli ka sii socdaan rabshada jinsi-nacaybka ku dhisan.

Ugu dambeyn, booliiska gobolka Kwa-Zulu-Natal ayaa sheegay inay rabshadaha ka socda gobolkaas u xireen 74-qof oo loo haysto dambiyo kala duwan - kuwaasoo ay ka mid yihiin; dilal, abaabul rabshado, boob ganacsi, tuugonimo iyo haysao hub iyo rasaas.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa la filayaa inuu soo saaro war-saxaafadeed ka dhan ah hoggaamiye beeleedka gobolka Kwa-Zulu-Natal oo la rumeysan yahay inuu kiciyay rabshadaha isir-nacaybka ah ee ka taagan Koonfur Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya