4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
Afartameeyo Xildhibaan oo Maanta Taageero u Muujiyay Xildhibaan Aadan Bare Ducaale (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Xildhibaanada laga soo doortay gobalka Waqooyi-bari ee ku jiro baarlamaanka Kenya ayaa taageero u muujiyay hogaamiyaha golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya  Aadan Bare Ducaale oo ay sheegeen iney ku  kalsoon yihiin, isla markaasna ay aaminsan yihiin inuu guulo ka keeni karo dagaallada ay Kenya kula jirto argagixisada.

War ay maanta oo jimco ah soo saareen Xildhibaanadaas tiradoodu ay ka badneyd 40-ka Mudane, ayaa waxey ku sheegeen in kooxaha argagaxisada ujeedadoodu ay tahay inay shacabka Keenyaanka ah u kala qaybiyaan dhinaca jinsiyada iyo diimaha ay aamisan yihiin.

Hadalka Xildhibaanadaan, ayaa ka dambeyay ayadoo maalmihii aynu soo dhaafnay ay xildhibaano ka tirsan Xisbiga talada hayo ee" Isbahaysiga Qaranka" The National Alliance (TNA) ay u soo jeediyeen Aadan Bare Ducaale inuu iscasilo kadib markii uu sheegay in mudo 30 maalmood ah ay ku soo bandhigi doonaan Maal-geliyayaasha iyo taageerayaasha kooxdii 2-dii bishaan fulisay weerarkii Jaamacada Gaarisa.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay kulankii ay yeesheen xildhibaanadaas maanta ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay aheyd in xubno ka tirsan TNA ay kasoo yeeraan hadaladaas. Waxeyna sheegeen mudanayaashaas in Aadan Bare Ducaale uu yahay masuul inta badan wax ka qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka dhaca Kenya.

"Hadii aan nahay Madaxda gobalka Waqooyi Bari Kenya waxaan taageersanahay oo naga wakiil ah Aadan Bare Ducaale, waxaana sidoo kale naga go'an inaan si dhow ula shaqeyno Hay'addaha amniga iyo dadka gobalka waqooyi bari, sidii loo cirib tiri lahaa Al-shabaab," ayey ku sheegeen war saxaafadeedkii ay maanta soo saareen.

Si kastaba ha ahaatee Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya, Aadan Bare oo sidoo kale ah Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Dhuujis ee is-maamulka Gaarisa, ayaa dhawaanahaan cadaadis wuxuu oga imaanaayay xildhibaanno dowladda ka tirsan, kuwaasoo ku eedeyay inuu muddo dheer qabsaday sidii uu ugu soo bandhigi lahaa taageerayaasha kooxdii weerartay Jaamacada Gaarisa.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya