Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta kahortagga xaalufinta dhirta ayaa waxaa maanta siweyn looga xusay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Xafladdan oo ka dhacday xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo agaasintay wasaaradda beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga Jubbaland, iyadoo sidoo kale ay kazoo qeybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu kamid yahay madaxweeye kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere).
Munaasibadda ayaa lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo ku saabsanaa dhibaatooyinka dhasha xaalufinta dhirta iyo weliba muhiimadda ay dhirtu u leedahay dadka iyo duunyada iyadoo sidoo kale qaar kamid ah fanaaniinta degmada Kismaayo ay halkaasi kusoo bandhigeen riwaayado iyo heeso ka turmyay muhiimadda ay leedahay dhirta.
Wasiirka beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga Jubbaland Prof: Max’ed Aadan Jaamac oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in xaalufinta dhirta ay keeneeyso nabaad guur, abaaro iyo roob la’aan, isagoo sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhir ku talaali doonaan gudaha iyo daafaha magaalada, waxa uuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka in ay ka foojignaadaan jarista dhirta.
Ugu danbeyntii madaxweeyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, C/qaadir Lugadheere ayaa gudaha xarunta Caymiska ku aburay geed uu ugu magacdaray geedka nabadda, isagoo ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan jarista dhirta islamarkaana qof walba oo Soomaali ah uu ku dadaalo sidii uu geed u abuuri lahaa.
Dalka Soomaaliya oo ay dadkiisu u badanyihiin xoolo dhaqato ayaa hadana waxaa ka jiro xaaluf ba’an oo lagu hayo dhirta arintaa oo horseedi karta dhibaatooyin soo wajaha dadka iyo duunyada.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga Xaalufinta dhirta Adduunka oo Maanta laga xusay Kismaayo
More News
- Dowladda Ciraaq oo Shaacisay in Ciidankeedu ay Magaalada Tikrit ku Dileen Cisad Ibraahiimi
- Hay’adda Amnesty International oo Xukuumada Kenya uga digtay celinta Qoxootiga Dhadhaab
- SAWIRRO: Saameytii ay reebeen roobabkii xiliga Gu'ga ee ka da'ay Magaalada Beledweyne
- JACOB ZUMA: Waa in la joojiyaa Weerarada lala beegsanayo dadka Afrikaanka ah (SAWIRRO)
- Afartameeyo Xildhibaan oo Maanta Taageero u Muujiyay Xildhibaan Aadan Bare Ducaale (SAWIRRO)
- MADAXWEYNE XASAN: Shirka Cadaado Waxaa lagu Dhisayaa mid la mid ah Maamullada dhisan
- Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabinaya Xuska Munaasabada 18-ka May
- C/weli Gaas iyo Haila-mariam Desaliegn oo ku kulmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa
- Wafdi uu horkacayo wasiirka shaqada Somalia oo dalka Kuwait lagu soo dhaweeyay (SAWIRRO)
- Dableydii Weerartay Jaamacadda Gaarisa oo la sheegay inay kasoo jeedaan Waddanka Kenya
- Qaxooti ka badan 400-qof oo shalay mar kale soo gaaray degmada Boosaaso ee G/Bari (SAWIRRO)
- RW SHARMA’ARKE: Xiriirka u dhaxeeya Sweden iyo Soomaaliya waa mid aad u adag”