4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabinaya Xuska Munaasabada 18-ka May


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magacaabay guddidda Qabanqaabadda ee 18 May oo ku astaysan maalintii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteedda kale.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay xogyaha gaar ah ee xafiiska warbaahinta madaxtooyadda Naasir Yuusuf Daahir ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.”

Guddidan oo u badan wasiiro ayaa waxa gudoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran Cadde, waxaana xubno ka ah; wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Hawlaha Guud, guriyeynta & gaadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga, Duqa Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire).

Madaxweynaha oo ka hadlaya ujeedadda gudidan waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah. Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.”

Waxaanu intaas ku daray “Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”.

Si kastaba ha ahaatee, sanad walba 18-ka bisha May ayaa guud ahaan Somaliland iyo qurbojoogtuba si balaadhan u xusaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland