4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2015
Dableydii Weerartay Jaamacadda Gaarisa oo la sheegay inay kasoo jeedaan Waddanka Kenya


Jimco, Abriil 17, 2015 (HOL) — Kooxihii weeraray Jaamacadda Garissa ee Kenya oo ahaa afar qof ayaa la sheegay inay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenyan; iyadoo weerarkaas ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee dalka Somalia.

Weerarka Gaarisa ayaaa lagu dilay ugu yaraan 148 ruux oo xilligaas ku sugnaa dhismaha Jaamacadda Garissa; tiro kalana waa ay dhaawaceen, iyadoo weerarkan uu socday muddo 16-saacadood ah.

Sidoo kale, kooxaha weerarka geystay mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu ahaa wiil uu dhalay mas’uul ka tirsan Kenya, kaasoo horay mas’uul uga soo noqday Mandheera oo ku taalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Warbixin sirdoon oo ay baahiyeen wargeysyo caalami ah ayaa lagu sheegay in saddexda ruux ee weerarkan ka qaybgalay ay ahaayeen muwaadiniin Keenyaan ah oo kasoo jeeda gobolka xeebta ku yaalla ee Mombasa iyo degmo ku taal galbeedka Kenya ee Bungoma.

Jariiradda Nation ee kasoo baxda Nairobi ayaa iyadana sheegay in caddeynta ragga weerarka geystay la xaqiijin doono marka lasoo gaba-gabeeyo baaritaan dhinaca faraha ah oo weli ay sirdoonka Kenya sameynayaan.

Booliska Kenya ayaan weli jawaabin warbixintan cusub ee soo baxay oo ee lagu sheegay in kooxihii weerarka ku qaaday Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya inay dhammaantood ahaayeen Kenyan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa weerarkii Gaarisa kaddib uu sheegay inay ar-gagaxisadu ay xiddido ku leedahay gudaha Kenya, isagoo ballan-qaaday inay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan argagaxisada.

Kenya ayaa dul-dhigtay lacag gaareysa 215,000 oo doollar ruux ay sheegeen inuu ka tirsan yahay Al-shabaab uuna mas’uul ka ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay dadka faraha badan.

Ugu dambeyn, Kenya ayaa waxay xoogga saaraysay inay amaanka dalkeeda sugto tan iyo markii ay kumanaan askarteeda ka tirsan oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ay u dirtay Somalia, iyadoo weerarrada ka dhacay gudaha Kenya ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya