4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Xildhibaano kasoo hor-jeestay Cafis ay Dowladda Kenya u Fidisay Xubno Al-shabaab ka Tirsanaa


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo ay tiradoodu ahayd 20, kana tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ka hor-yimid cafis ay dowladda Kenya u fidisay xubno ay Al-shabaab tababaratay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in xubnahaas la ciqaabo.

Mudanayaashan oo uu ka mid ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xubnaha cafiska loo fidiyay ay ka mid yahay xubno magacyadooda horay loo sheegay oo laga shakisan yahay.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay sheegeen in loo baahan yahay in sidoo kale cafis loo fidiyo dhammaan kuwa tuhunnada u xiran ama kuwa la sii daayay dib loogu soo celiyo xabsiyada si ciqaab loo mariyo.

Xildhibaanadan ayaa hadalkan ka sheegeen shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen dhismaha baarlamaanka dalka Kenya ee Nairobi, waxaana xildhibaannadan ka mid ahaa; Kabando wa Kabando, Johnson Sakaja iiyo Maison Leshoomo.

Hoggaaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa ku gacan-sayray hadallo sheegayay inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab, isagoo sheegay inuu yahay guddoomiyaha 34 xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari Kenya, ayna hadalladaas yihiin kuwo been-abuur ah.

“Go’aankeygu waa mid cad. Anigu kama mid ihi argagaxisada, “ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee maanta ay ku qabteen xarunta baarlamaanka Kenya.

Hadalkan ayaa imaanayaa xilli dowladda Kenya ay sheegtay inay xabsiyada dalkeeda kasii daysay xubno horay loo qabtay oo lagu tuhunsanaa inay Xarakada Al-shabaab ee dalka Kenya ka tirsanaayeen, kuwaasoo aan la horkeenin wax maxkamad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya