4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Siilaanyo oo Maanta ka Mamnuucay Somaliland Noocyada Bacaha ee ay Shacabku ku Adeegtaan


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Maxamuud Siilaanyo, ayaa gabi ahaanba Somaliland ka mamnuuco Bacaha oo dhibaato badan ku haya deegaanka.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa xoghayaha xafiiska warbaahinta madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir ayaa sheegay in madaxweynuhu u manuucay ka dib markii uu arkay in fayo dhawrka deegaanka halis ku tahay, isl amarkaana caafimaad ahaan aanay u fiicnayn isticmaalkeeddu.

 “Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha

Siilaanyo oo tixraacaya soo jeedinta guddida bilicda iyo fayo dhawrka dalka, waxa uu go’aamiyey qodobadan:

1. Inay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.

2. In dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.

3. In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.

4. In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi madaxweynaha ka soo baxay.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu magacabaay gudoomiyaha wakaaladda Qurbojoogta qaranka ee Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. In Mudane, Cabdi Cabdilaahi Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaa oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.”ayuu qoraal uu ku magacaabayey wakaaladda qurbo joogta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland