4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Saddex Qof oo ku Geeriyooday Bas ay biyo ku Qaadeen Duuleedka Mandheera ee Dalka Kenya


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex ruux oo rakaab ahaa ayaa dhintay kaddib markii baskii ay la socdeen ay maanta dadaad ku qaadeen duleedka Mandheera ee Waqooyi-bari-Kenya; iyadoo weli la’ayahay 20-qof oo kale oo rakaabkii ka mid ah.

Guddoomiyaha Mandheera, Alex Ole Nkoyo ayaa sheegay inuu socdo dadaal loooga baadi-goobayo dadka maqan webiga deegaankaas, halkasoo ahayd goobtii shilkani uu ka dhacay.

“Baska waxaa la socday 59-qof oo rakaab ah iyo caruur aan tiro lahayn; iyadoo ay baska qaateen dada xooggan, xilli uu isku dayay inuu ka tallaabo meel tog ah oo ay biyo badan marayeen,” ayuu yiri Nkoyo.

Sidoo kale, Nkoyo wuxuu sheegay in 42-rakaab ah ay ka badbaadeen shilka, kuwaa oo uu sheegay inay fuuleen dusha baska markii uu biyaha ku dhacay. Isagoo intaas ku daray in 10-qof oo ka mid ah rakaabka iyagana laga soo badbaadiyeey meel ay biyuhu ku xooganaayeen; lana soo saaray iyagoo nool.

Baskan ayaa la sheegay inuu ka baday Mandheera uuna ku socday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Iyadoo xiriiriyaha Bisha Cas ee Kenya, Axmed Maxamed uu sheegay in 42-qof laga badbaadiyay baskan biyuhu qaadeen.

Maxamed ayaa intaas ku daray in shaqaalaha Bisha Cas, ciidamada millateriga dalka Kenya iyo hay’ado ka tirsan kuwa xukuumadda ay ku howlan yihiin baadi-goobka rabaakii baska ee weli maqan.

“Weli faahfaahin ma bixin karno, welina waxaa socda howlgalka, laakiinse markii uu soo dhamaado ayaan bixin doonnaa faahfaahin rasmi ah oo shilkan ku saabsan,” ayuu yiri xiriiriyaha Bisha Cas ee Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan Mandheera ayaa laga soo xigtay in baska ay rakaab aad u fara badan saarnaayeen, iyagoo xusay in baska xitaa laga raray qaybta sare, sidoo kalena ay daaqadihiisa dad badan haysteen.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaan 35-km u jira degmada Mandheeara. Iyadoo intaa lagu daray in baskan uu ahaa midkii keliya ee saakay ka baxay Mandheera, iyadoo basaskii kale ay diideen inay baxaan, kaddib roobab xoog badan oo Mandheera ka da’yay maanta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya