4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Al-shabaab oo la sheegayo inay dagaalyahano cusub ka Qoranayso Gudaha Waddanka Kenya


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Kaddib markii Kenya ay billowday dhismaha derbi ay ka dhisayso soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya taasoo ay sheegtay inay ugu hor-tageyso weerarrada Al-shabaab ay Kenya ka geysanayso, ayaa haddana waxaa la sheegaya inay Al-shabaab ay gudaha Kenya ka qoranyso xoogag u dagaalama.

Magaalada Isiolo ayaa la sheegay in dhallinyaro tiradoodu gaarayso 20 la la’yahay, kuwaas oo loo maleynayo inay ku biireen Al-shabaab. Iyadoo arrintan lagu ogaaday baaris ay BBC-da ka sameysay gudaha Kenya.

Laba todobaad ka hor 148-qof ayay Al-shabaab ku dishay weerar ay jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waaqooyi-bari ay ku qaadeen. Waxaana ka mid ah dadkii weerarkaas ka qayb-galay uu ahaa wiil uu dhalay mas’uul Keenayaan ah.

Arrintan ayaa loo arkay in Kenya ay haystaan dhibaatooyin gudaha ah, taasoo la sheegayo inay billaabatay kaddib markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya galeen si ay uga hortagaan falal xuduud-ka-tallow ah oo ay ku eedeeyeen Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa weli ku hanjabaysa inay weerarro kale ka geysan doonto gudaha Somalia, taasoo sii kordhisay cabsida ay shacabka dalka Kenya ka qabaan dhibaatooyin kazoo gaara weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso Kenya.

Baaristan ay BBC-du soo bandhigtay ayaa imaanaysa xilli dowladda Kenya ay ku baaqday in qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab, kaddib markii ay sheegeen in xeryuhu ay yihiin meelo ay Al-shabaabtu kazoo abaabulaan weerarrada ay ka geysanayso gudaha dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarrada Kenya ay joojin doono oo kaliya markii ay dowladda Kenya ciidamadeeda kala baxdo Somalia taas oo ay diideen madaxda dowladda Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya