4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Roobab Saameeyay Howlihii Garoonka Aadan Cadde oo Maanta ka da'ay Magaalada Muqdisho


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Roobab mahiigaan ah oo saameyn ku yeeshay howlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isku socodka dadka & gaadiidka ayaa maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, iyadoo roobabkan ay khasaarooyin kala duwan sababeen.

Hal qof oo ahayd haweeney ayaa ku dhimtay kaddib markii ay roobab dumeen dabiga xayn-daabka u ah isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, kaasoo ku dul-dhacay guryo jiingado ka sameysan oo ay dad shacab ahi deggenaayeen.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in haweeneyda dhimatay uu dabigu ku dul-dhacay gurigeeda, xilli uu roobku da’ayay, isagoo sidoo kalena uu darbigu sababay dhaawacyada dhowr qof oo kale.

“Haweeney eeddo ii ah ayaa ku dhimatay darbiga dumay, weli ma jirto cid nala hadashay, balse dhacadan waa mid naxdin badan,” ayay tiri haweeney shacab ah oo meesha uu ku dumay dabiga joogtay.

Sidoo kale, qaybta cusub ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa biyo badan ay soo dhex-galeen; kaddib markii saqafka terminalka uu soo daayay biyo, taasoo ku qasabtay shaqaalaha garoonka inay rabaakii duulayay iyo kuwii soo dagayayba u raraan qaybtii hore ee garoonka oo laga soo guuray.

Diyaarado dhowr ah oo kusoo degi lahaa garoonka ayaa dib uga laabtay, intii ay da’ayeen roobabka xooggan, iyadoo roobabku ay howlaha garoonka diyaaradaha Muqdisho hakad ku keeneen.

“Howlihii garoonka hakad ayaa galay, roobabka ayaana saameyn ku yeeshay diyaaradihii soo degi lahaa. Diyaarado dhowr ah oo soo degi lahaa ayaa dib ugu laabtay meelihii ay ka yimaadeen, waxaana ka mid ahayd diyaaradda Turksh Airline,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo la hadlay warbaahinta.

Ugu dambeyn, roobabka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka dan-yarta ah ee ku nool Muqdisho sida barakayaasha, kuwaasoo biyaha roobku ay jiireen gurihii ay noolaayeen oo qaarkood cooshado ahaa.

Waddooyinka caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa qaarkood waxa buuxiyay biyo aad u fara badan, kuwaasoo sababay in gaadiidka ay hakad galaan, waxaana waddooyinkaas ka mid ah kuwii uu dhisay Turkiga, sida tan Maka Al-Mukarama.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya