4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Shirkii Maamulka Gobollada dhexe ee Somalia oo si hordhac ah uga Furmay Degmada Cadaado


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Kulammo waqti badan qaatay kaddib waxaa magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud maanta si hordhac ahaan ah uga furmay shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia.

Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Max'uud oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya shirku uu furan yahay, lagana sugayo odayaasha dega gobollada Galguduud iyo Mudug ay soo xulaan ergadii dooran laheyn madaxweynaha maamulka la fillayo in uu halkaa ka soo baxo.

Tirada ergada ayaa lagu sheegay 510 xubnood oo laga soo kala xuli doono ilaa 11 ka tirsan qabaa'ilada wadda dega labada gobol Mudug iyo Galguduud.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa magaalada Cadaado ka socanayay kulammo xasaasi ah oo mar marka qaar lagu kala tagayay, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ugu danbeyntii arrimaha qaar leysaga soo dhawaaday, walloow ay jiraan wali qodobo u baahan in si dhab ah loo turxaan bixiyo.

Meelaha qaar waxaa wali ciriir ah isgaarsiinta gobollada dhexe, iyadoo ay da'ayaan roobab lixaad leh oo saameyn ku yeeshay isgaarsiinta degmadaas iyo deegaannada kale ee ka ag-dhow.

Shirka ka furmay magaalada Cadaado oo ah mid si gaar ah isha looga wadda hayo ayaa la fillayaa in lagu soo doorto madaxweynaha maamul ay ku mideysan yihiin  gobollada gobol Galguduud iyo Mudug, waxaana jira musharixiin durbaba tagay Cadaado iyo siyaasiyiin aan wali damacooda shaacin laakiin la sheegay in ay yihiin musharixiin qarsoon.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya